Thursday, August 20, 2015

Beesha Caalamka oo si adag uga hadashay Mooshinka Maamuus-ka-xayuubinta Madaxweynaha Somaliya oo Baarlamaanka horyaal

 

Muqdisho, 20 August 2015 (Himilo)- Qaramada Midoobay, Hawl-galka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur-goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Maraykanka iyo Britain, ayaa waxay ku muujiyeen inay ka walaacsan yihiin Mooshinka lagu doonayo in xilka lagaga qaado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo Mooshinka ku tilmaamay inuu Carqaladeynayo Horumarka Soomaaliya ay ku gaadhayso yoolkeeda nabadda iyo dawlad-dhisidda.

 
Sidaa waxay Ururrada iyo dawladahaasi ku sheegeen War-Saxaafadeed qoraal ah oo ay xalay si wada-jir ah u soo saareen, kaasoo ay ku dalbadeen in Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee mooshinka wadaa joojiyaan, si aanu hakad ugu iman hore-u-socoshada Soomaaliya. Qoraalka War-Saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-
“Inkastoo aan si buuxda u Qaddarinayna Xaqa uu Baarlamanka Federaalka Soomaaliya uu u leeyahay inuu la Xisaabtamo Hay’adaha dalka, sidaana ku guto waajibaadkiisa Dastuuri, laakiinse gudbinta mooshin noocan oo kale ah wuxuu u baahan yahay daah-furnaan aad u heer-sarreysa iyo hanbaanka loo maro oo hufnaan ah, waxaanay taasi qaadan doontaa waqti aad qaali u ah, gaar ahaan marka ay meesha ka maqan yihiin Hay’ado Sharci oo lagama maar-maan ah.
Sidoo kale, waxaa xusuusannaa in Soomaaliya iyo dhammaan dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay uu waajib ka saaranyahay inay raacaan Qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232, oo Qeexaya rejada Beesha Caalamka ee Amniga iyo horumarka siyaasadeed ee loo baahan yahay in laga gaadho Soomaaliya iyo baahida loo qabo hannaan doorasho oo loo dejiyo sannadka 2016-ka; iyadoo aan xilka loo kordhinin laamaha sharci-dejinta iyo fulinta.
Inkastoo aan aqoonsan-nahay horumarka sannadihii lasoo dhaafay laga gaaray Somalia, gaar ahaan dhanka federaalka iyo annagoo aqoonsan kaalinta geesinimada leh ee uu ka geystay baarlamaanka federaalka Soomaaliy, iyadoo inta badana khasaare badana ay dadka kasoo gaarto. Waxaana weli ka Wel-welsan-nahay horumarka ka socda Ajendaha Sharci dejinta iyo baahida loo qabo in la Ansaxiyo shuruuc muhim ah, oo ay ka mid yihiin shuruucda doorashada, Muwaadinimada, Xisbiyada siyaasadda iyo Maxkamadda Dastuurka ah.
Hay’adaha sameysmayana waa kuwo weli liita. Waxay u baahan yihiin muddo Xasilloon iyo hawsha oo sii socota si loogu ogolaado Somalia inay ka fa’iideysato barnaamijka heshiiska Somalia ee Hiigsiga cusub iyo inay isu diyaariso xilka dowladda oo la wareejiyo Sannadka 2016-ka.
Sannadkii 2014-kii, Saaxiibbada Caalamku waxay si joogta ah ugu Ololeeyeen xasilloonida Siyaasadda iyo sii socodka Howlaha kala duwan, ixtiraamka kaalimaha ay hay’aduhu kala leeyihiin sida ku qeexan Dastuurka iyo tallaabooyin xoog leh ee wax looga qabto Musuq-maasuqa laguna horumariyo Maareynta Maaliyadda guud oo ay ka mid yihiin; dhinacyada Amniga iyo Difaaca. Sidoo kale Sannadkan 2015-ka mawqifkayagu waa sidiisii oo waan ku Adkeysanaynaa, ismana beddelin.
Waxaan Rumeysan-nahay in Shacabka Soomaaliyeed la siiyo fursad ay wakiilladooda ku soo doortaan, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha iyo Xildhibaannada Baarlamaanka, kulana xisaabtamaan sannadka 2016-ka, iyagoo lagama maar-maan ay tahay in loo maro hannaan doorasho oo daahfuran oo loo dhan yahay,” ayaa yiraahdeen xubnaha Beesha Caalamka.
(a) Diyaarinta hanaanka doorasho ee dalka 2016-ka; (b) Sameynta Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo hanaanka dib u eegidda dastuurka, oo muhim u ah Xasilinta, maamulka iyo Dowlad-dhisida; (c) Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo Maraya meel Xasaasi ah, loogana mahad-celinayo Naf-hurnimada Ciidamada Ammaanka Qaranka Somalia, kuwa Midowga Afrika iyo Saxiibbada kale ee Caalamka.”
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment