Thursday, August 20, 2015
Xildhibaan Koore oo Guul ku tilmaamay in Buuhoodle Somaliland u soo gacan-gashay, dawladdan & Shacabkana Baaq u diray
Hargeysa, 20 August 2015 (Himilo)- Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland kana soo jeeda gobollada Bari, ayaa sheegay in Somaliland guul ka gaadhay gobolka Buuhoodle ka dib markii halkaas uu gaadhay Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan-Xaglo-toosiye horraantii toddobaadkan.
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo shalay Hargeysa ku qabtay Shir Jaraa’id, ayaa sheegay inay habboon tahay in bulshada Somaliland iyo dawladduba barbar istaagaan dedaalka Wasiir Xaglo-toosiye ku soo jeedinayo indhaha bulshada Buuhoodle.
“Guul baa Buuhoodle ka soo hoyatay. Guushaas waa in dawladda iyo shacbigu-ba is barbar-taagaan, oo taageeraan. In badan baynu naawilaynay in gobolka Buuhoodle soo galo gacanta Somaliland, laakiinse, sidaynu TV-yada ka arkaynay waxaa muuqatay inuu gacanta Somaliland soo galay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Koore.
Waxaanu Xildhibaan Koore intaas ku sii ladhay; “Waxaannu u baahan-nahay in Xukuumaddu hiil iyo hooba isla barbar-taagto Wasiirka tegay Buuhoodle iyo waxa uu ka qabtay. Waxa uu ka qabtay waa wax xasuus mudan, dawladda iyo Baarlamaankana waxaan u soo jeedin in la barbar-istaago oo guushaa Xaglo-toosiye ka soo hooyay Buuhoodle aanay ku dhammaan guul-darro, balse ay Xukuumaddu dhisto gobolka Buuhoodle.”
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, waxa uu sidoo kale sheegay inuu taabacsan yahay sidii diiwaangelinta looga samayn lahaa gobollada Bariga Somaliland, si loogu gogol xaadho doorashadu inay ka dhacdo Bariga Somaliland iyo deegaannada aanay hore uga dhici jirin.
“Siyaasiyiintayada dalka joogta nin waliba wuxuu qabtay iyo wuxuu qaban karo waa la garanayaa. Qodobka labaad ee aan iftiiminayaa waxa weeye Baarlamaanka iyo Golaha Wakiillada Rag badan baa la sheegay inay ka biyo diideen doorashada, anigu waxaan leeyahay doorashada waa in la gala. Kursiga waxaannu fadhinay 10 sannadood, laba sannadoodna waa lagu daray. Markaa, Kuraasta kamaannu bixine waa in aannu doorashada galno ama dadka u banayno si dhiig cusub iyo dad cusub u yimaaddaan oo deegaanka metela loo helo.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Koore.
Magaalada Buuhoodle, ayuu toddobaadkii hore yimi hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, balse waxa uu ka baxay markii uu halkaas maalin iyo habeen ka dib gaadhay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo ay laga eryey markii ay dadweynaha reer Buuhoodle taageereen Xaglo-toosiye.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment