Beijing, 25 August, 2015 (Himilo)- Saamiyada Shirkadaha Shiinaha oo labadii maalmood ee u dambeeyey hoos-u-dhac laga dareemayey, ayaa saamayn dhaqaale ku yeeshay Suuqyada Caalamka, waxaana laga cabsi qabaa inay isbeddel taban ku keento Suuqyada waaweyn ee caalamka oo shalayba laga dareemay hoos-u-dhacaas.
Suuqyada ugu waaweyn dalka Shiinaha ee magaalada Shanghai, ayaa boqolkiiba 30 hoos u dhac weyni ku yimi labadii bilood ee u dambeeyey, waxaanay tani saamayn weyn ku yeelatay maalgeshiga ganacsiyo tiro badan oo ku xidhan shirkadaha waddanka Shiinaha oo ah dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka.
Arrintan ayaa si weyn u saamaysay suuqyada qaaradda Eeshiya oo gelinkii dambe ee shalay la xidhay iyadoo hoos-u-dhac ku yimi saamiyadooda, halka suuqyada dalalka Yurub ku furmeen hoos u dhac laga dareemay, sida ay qortay jariiradda Financial Times oo aanu warkan ka soo xigannay.
Dalalka Bariga Dhexe oo ganacsigoodu aad ugu xidhan yahay dalalka Afrika, gaar ahaan Geeska, Afrika, ayaa hoos-u-dhacay, waxaana isla shalayba saamiyada suuqa Dubai laga dareemayey hoos-u-dhac ah boqolkiiba 7% halka Sacuudiga uu hoos u dhacay 6%, kadib markii hay’dda qiimaysa waddamada iyo shirkadaha dhaqaalahooda ee Fitch ay hoos u dhigtay qiimaynta Sucuudiga.
Toddobaadkii hore, suuqa Dow Jones ee Maraykanka ayaa hoos u dhacay 6%, halka suuqa FTSE ee UK uu sicirka saamiyada shirkadaha uu hoos u dhacay 5%. Maal-gashatada ayaa ka walaacsan hoos u dhaca Shiinaha iyo saamaynta uu ku leeyahay dhaqaalaha adduunka. Saamiyada Suuqyada Faransiiskaiyo Jarmalka ayaa hoos u dhacay 7% toddobaadkii hore.
Waddamada bariga Dhexe oo ah wax-soo-saarka Shidaalka ee ugu badan Adduunka, ayaa sicirka shidaalku aad u hooseeya, waxaanu hoos u dhacay kala-badh intii uu ahaa sannadkan horaantiisii ilaa bilowgii bishii June ee sannadkan oo si weyn loo dareemay hoos-u-dhacaas.
Saliida Ceedhin ee laga dhoofiyo dalalka Bariga Dhexe oo qiimaha Foostadu hore u ahaa $68, waxa uu haatan marayaa $45 Foostadii.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment