Hargeysa August 31,2015(Himilo)-Fadhigii maanta ee golaha Guurtida Somaliland ayaa lagu ansixiyay xeerka ilaalinta Duurjoogta oo mudo horyaalay golaha guurtida .
Fadhigan oo uu shirgudoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Mudane Siciid Cali Jaamac Ayaa waxaa kasoo xaadiray 47 mudane.
Markii uu fadhigu Furmay ayaa guddoomiye ku xigeenka guurtidu golaha u akhriyay wax kabadal ay ku sameeyeen xeerkan duurjoogta, isagoo markii dambana cod u qaaday ansixinta xeerkan. Waxaa ogalaaday in xeerkan la ansixiyo 45 mudane, waxaa diiday 1 mudane Guddoomiyuhuna ma uu codayn, sidaana waxaa lagu ansixiyay xeerka Ilaalinta duurjoogta Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment