Sunday, August 30, 2015

Siyaasi Raali-gelin ka bixiyey Hadal Boqor Buur-madow ka jeediyey Shir Beeshiisu Qabsatay

 

Hargeysa, 30 August, 2015 (Himilo)- Siyaasi Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa arrin aan loo baahnayn iyo xad-gudub ku tilmaamay hadal uu dhawaan Boqor Cismaan Buur-madow ka jeediyey Shir lagu taageerayey nabadeynta beelaha Gobolka Buuhoodle oo dhowaan lagu qabtay degmada Qurulugud ee gobolkaas.
Boqor Cismaan Buur-madow oo hadal ka jeediyey shirkaas, waxa uu sheegay in beesha Habar-Jeclo dib uga fekerayso isla markaana ka tashanayso Isbahaysi siyaasadeed oo u dhexeeya Beesha Habar-Awal, iyadoo hadalkaas bulshadu siyaabo kala duwan u fasiratay.
Cabdirashiid Riyo-raac oo ah siyaasi dhalasho ahaan kasoo jeeda deegaanka Shirka lagu qabtay, waxa uu sheegay in hadalkaasi ixtiraam-darro iyo meel-ka-dhac ku ahaa ujeeddada Shirka beeshiisu qabsatay, sidaas awgeed looga baahan yahay Boqor Buur-madow inuu raalli-gelin ka bixiyo hadalkiisaas.
“Waxaan u arkayey xad-gudub Buur-madow sameeyey waxaanu xaq u lahayn. Shirka waxa qabsatay beel, in cid laga maagona diyaar looma ahayn. Waa arrin uu u baahan inuu si adag xaal uga bixiyo oo uu uga jawaabo,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid oo qaar ka mid ah warbaahinta u warramayey shalay.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment