Sunday, August 30, 2015

SOLJA oo Tabobar uga furay Hargeysa 45 Weriye oo isaga kala yimi gobollada dalka

 
Hargeysa, 30 August 2015 (Himilo)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa 45 Weriye oo isaga kala yimi gobollada kala duwan ee dalka tabobbar muddo saddex maalmood ah socon doona Sabtidii shalay uga furay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, ay u furtay Suxufiyiinta, ayaa socon doona muddo saddex Maalmood ah, kaasoo lagu baran doono Anshaxa suubban ee Saxaafadda iyo Masuuliyadda looga baahan yahay qofka Weriyaha ah, waxaana maal-gelisay tabobbarkaas Hay’adda Vikes oo ah Hay’ad laga leeyahay dalka Finland.
Furitaankii tabobbarkaas, waxaa hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), waxaanu sheegay in muhiimadda Aqoon-is-weydaarsigani yahay mid ay uga dan leeyihiin inay Weriyeyaashu ka faa’iidaystaan duruusta lagu bixinayo si ay ugu dabbaqaan Shaqadooda, ugagana faa’iidayn karaan Suxufiyiinta kale ee aan jaaniska u helin inay ka soo qaybgalaan tabobbarkan iyo saaxiibbadooda ay Hay’adaha Warbaahineed ka wada shaqeeyaan.
Guddoomiye Xuuto waxa uu sheegay in Masuuliyadda qofka Suxufiga ah saarani tahay mid culayskeeda leh, una baahan aqoon, anshax-suubban, akhlaaq wanaagsan, dedaal, daacadnimo, hawlkarnimo iyo hal-abuurnimo, sidaa awgeedna ay SOLJA ahaan ku dedaalayaan inay kaabaan, isla markaana kor u qaadaan aqoonta Suxufiyiinta Somaliland, si tayada wax-soo-saarkooduna uga sii fiicnaan karo heerka ay maanta marayaan, waxa la gudbinayo ama la baahinayaana u noqon lahaa wax cad oo sugan ama xaqiiqda waafaqsan oo dalka iyo dadkaba dani ugu jirto.
Sidoo kale, Maxamed Xasan Mataan oo ka socday Hay’adda Vikes oo ah Hay’ad laga leeyahay dalka Finland, oo ka hadlay ujeeddada tabobbarkaas, waxa uu yidhi; “Aqoon-korodhsigan ujeeddadiisu waa aasaaska Saxaafadda iyo Anshaxa Saxaafadda sidii loo kala korodhsan lahaa aqoon, bal adduunka sida ay Saxaafaddu uga shaqaysana loogu soo gudbin lahaa Weriyeyaasha ka qayb-qaadanaya tabobbarkan innoo bilaabmay.”
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Shugri Xariir Ismaaciil oo tabobbarkaas furtay, ayaa tidhi; “Waxa aynu ognahay in Suxufiyiinta reer Somaliland maanta ay haystaan fursad qaali ah oo ah mid loo baahan yahay inay ka faa’iidaystaan. Waxaad maalin kasta iyo bil kasta iyo wakhti kastaba heshaan tabobbarro kala duwan oo ku saabsan sidii loo tayayn lahaa ama aqoontooda kor loogu qaadi lahaa Suxufiyiinta Somaliland ee loo siin lahaa tabobbarro anfaca qof kasta oo Suxufi ah oo Barnaamij samaynaya ama Radio ha u sameeyo ama TV ha u shaqeeyo, ama Wargeys ha u shaqeeyo ama Website ha u shaqeeyee inay ka muuqato Aqoon Suxufinnimo.”
Shugri Xariir waxay Weriyeyaasha iyo Warbaahinta Somaliland sheegtay inay qayb ka yihiin Ciidanka dalka iyo dadka xuquuqdooda aasaasiga ah wax ka raadinaya, waxaanay tidhi; “Dhinaca kale, Xilka idin saarani waxa weeyaan, dadkan iyo dalkan Somaliland wuxuu ku jiraa Jihaad qaboow oo ay ku raadinayaan sidii xuquuqaadkooda aasaasiga ah ay u heli lahaayeen, sidii Beesha caalamka ay aqoonsi uga heli lahaayeen, markaa dagaal baynu ku jirnaa, dagaalkaa aynu ku jirno waxaad ka mid tihiin Ciidammada loogu talo-galay inay difaacaan.”
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment