Saturday, August 22, 2015
QM iyo Quwadaha Adduunka oo ka hadlay Daruur Colaadeed oo dul-hoganaysa Gacanka Kuuriya
Seol, 22 August, 2015 (Himilo)- Waddamada Maraykanka iyo Kuuriya Koonfureed, ayaa muddo hal todobaad ah dib u dhigay Carbis sannadeed ay milatariga dalalka si wada-jir ah u sameeyaan, kaddib markii Hoggaamiyaha dalka Woqooyiga Kuuriya iclaamiyey dagaal ka dhan dhoolatuskaas Milatari.
Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa amray in ciidamadiisa jiidda hore ku sugan ay dagaal isu diyaariyaan haddii ay labadaas waddan dhoolatus milatari ka sameeyaan Gacan Kuuriya, waxaanay tani sare u sii qaadday xiisadda colaadeed ee ka dhaxaysa labada Kuuriya.
Warbaahinta dowladda ee Waqooyiga Kuuriya ayaa baahisay in Mr Kim uu ku dhawaaqay kullan degdeg ah oo uu u qabtay saraakiisha sare-sare ee dowladda iyo kuwa Milatariga ee dalkaas Jimcihii shalay.
Dalka Maraykanka oo Ciidamo tiradoodu gaadhayso 28,000 oo saldhig Milatari ku leh dalka Kuuriyada Koonfureed, ayaa sheegay inay hakiyeen dhoolatuskaas milatari inta ay saraakiisha Woqooyiga Kuuriya-na ku qanciyaan inaanu dhooluskaasi wax saamayn ah ku lahayn xaaladda ammaan ee Gacanka Kuuriya.
Iyadoo ay Koonfurta Kuuriya iyo dalka Maraykanku isu-diyaarinayaan Carbiska wada-jirka ah ee Ciidamada, ayaa haddana haddana ciidamada labada Kuuriya madaafiic isku-weydaarsadeen Xuduudka u dhexeeya labada waddan.
Madaafiicda la isdhaafsaday waxa ay bilowdeen kaddib markii Waqooyiga Kuuriya ay riday gantaal ay uga jawaabeysay dacaayad ka dhan ah Shuuciyadda oo ay baahiyeen warbaahinta Kuuriyada kuwaas oo la mariyay sameecado aad u qeylo dheer.
Dhinaca kale, afhayeen u hadlay dowladda Shiinaha oo ah dalka kaliya ee ay xidhiidhka dhow leeyihiin Woqooyiga Kuuriya, ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda isla markaana ay rejaynayaan inay xasiloonida gobolka kala shaqeeyaan labada dhinac.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa isaguna sheegay inuu ka hawl-galayo sidii uu xaaladda dagaal ee taagan u baajin lahaa, sida uu sheegay afhayeenkiisu Eri Kanako.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment