Ururka Bisha Cas ee dalka Libya, ayaa Jimcihii shalay sheegay inay badda ka soo saareen meydadka 82 qof, tiro ku dhow 200 oo qofna la badbaadiyey.

Balse war-murtiyeed shalay ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa lagu sheegay in tirada muhaajiriinta Dooniga raacday ahaayeen 500 qof oo sida laga soo xigtay saraakiisha laamaha ammaanka Liibiya u kala dhashay dalalka ka hooseeya Saxaaraha ee Afrika, Pakistan, Marocco iyo Bangledesh.
Isla maalintii Khamiista dorraad, waxa geeriyooday 71 qof oo meydadkooda laga helay gaadhi xamuul ah oo qufulan, kaas oo la dhigay waddo laami ah meel u dhow xadka dalka Austria ee qaaradda Yurub la wadaado dalka Hungry.
War-murtiyeedka UNHCR ayaa lagu sheegay in muhaajiriin tiradoodu gaadhayso 300,000 qof sannadkan gudihiisa ka tallaabeen badda Mediterranean-ka ee u dhaxaysa qaaradaha Yurub iyo Afrika, isla markaana ay ku geeriyoodeen tiro gaadhaysa 2,500 qof.
“Tani waxay ina tusinaynaa inay ka badan tahay tirada sannadkii hore oo gaadhaysay 219,000 qof,” sidaas waxa lagu sheegay war-murtiyeedka UNHCR shalay soo saartay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment