
Hal nin oo sida la sheegay ku hubaysnaa bastoolad, ayaa riday ilaa sideed xabadood oo uu la beegsaday labada Suxufi, waxaanay wararku intaas ku dareen in ninka falkan fuliyey uu isaguna isla goobta isku toogtay, balse lama caddeyn inuu dhintay iyo in kale.
Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Reuters, daqiiqado kaddib falkan lagu dilay labada weriye, waxa barta xidhiidhka bulshada ee Twitter lagu baahiyey muuqaal video ah oo muujinaya sida dilku u dhacay, kaas oo la rumaysan yahay inuu duubay qofkii dilka geystay.
Booliska gobolka Viginia ee Maraykanak ayaa ku daba-jira Ninka Falka looga shakiyey inuu fuliyey oo lagu magacaabo Vester Flanagan kaas oo sida la sheegay ka tirsanaa hawl-wadeennada telefishanka ay u shaqaynayeen labada suxufi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment