
Balse, Madaxa arrimaha Socdaalka ee Midowga Yurub, ayaa sheegay in Midowga Yurub ay saaran tahay Masuuliyadda ah in uu caawiyo Muhaajiriinta, taasoo laga yaabo in waddamada qaar ay haatan sameynayaan wax ka badan awooddooda.
Madaxa arrimaha socdaalka waddamada reer Yurub Dimitris Avramopoulos, ayaa waxa uu sheegayaa in uu farqi u dhaxeeyo dadka magangelya doonka ah ee ka soo cararay waddamada Suuriya, Libya iyo Eretria iyo kuwa Yurub u yimid arrimo dhaqaale oo keliya. Dimitris Avramopoulos, waxa uu intaasi ku daray in Muhaajiriintu doonaya noolol ka wanaagsan ta ay waddamaddooda ku haystaan oo keliya ay tahay in dib loogu celiyo waddamaddooda.
Si wax looga qabto arrinta Muhaajiriinta Yurub ku sii qul-qulaya, ayaa Mr. Avramopoulous waxa uu ballan-qaaday dagaal ka dhan ah Kooxaha abaabulan ee dadka Tahriibiya, inkastoo uu haddana qirayo in dhibaatada ka dhalatay Muhaajiriinta ay suurtagal tahay in ay saameyn ku sii yeelato Yurub muddo sannado ah
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment