Hargeysa, 27 August 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay sida uu u arko in qodobbada Ajandaha Kal-fadhiga 28-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland laga saaro Xeerka lagu soo dooranayo Mudanayaasha Wakiillada Golahan hadda beddeli doono oo qaabka saami-qaybsiga Mudanayaasha gobollada Galbeedka dalku saluug ka muujiyeen, ka dibna laga saaray Ajandaha iyo Baaq ka soo yeedhay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Baashe Maxamed Faarax oo soo jeediyey in Dastuurka la furo, isla markaana lagu daro qodob dhigaya in dalku laba Madaxweyne Ku-xigeen yeesho.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in cidda wakhtigan iyadoon heshiis lagu ahayn gudbisay Xeerkan ay ahayd cid dano gaar ah ka lahayd, waxaanu yidhi; “Markaa, waxaan u arkaan meeshan maxaa dalka u dan ah aanay ka socon ee ay ka socoto maxaa adiga kuu dana ah, kuwa geeyey immikana dan bay ka lahaayeen gaar ah, ee kamay ahayn wax hagaajin, waxaan lagu heshiin oo horeba Baarlamaankii hore ugu kala baxay inay geeyaan may ahayn. Immikana in laga xal laga soo gaadhaa weeye, taladaana horaan u sheegay.”
“Laakiin, maaha in la iska fadhiyo ee in arrinta la xalliyo weeye. Markaa, waxay u baahan tahay in Guddigaas Baarlamaanka ee la saaray, saddexda Xisbi iyo Guddiga doorashooyinku inay Akaademiyadda Gogosha u dhigaan weeye sidii aannu samaynay 2005-tii, halkaas lagaga hadlaa oo lagu heshiiyaa wixii looga guuri lahaa habkan aynu immika wax ku soo doorannay, marka habkaas lagu heshiiyana hadday immika suuragal tahay in lagu dhaqaaqana lagu dhaqaaqo, haddii kalena in Xeerka lagu qoro in habkaas loo guuri doono doorkan wixii ka dambeeya.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayey sida uu u arko arrinta ah in dalka laba Madaxweyne Ku-xigeen yeesho oo uu ku baaqay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilladu in Dastuurka la furo oo lagu daro qodobkaas, waxa uu ku jawaabay; “Dastuurkeenna waynu baadhi doonnaa dib baa loo eegi doonaa, waxa la eegi doonaa Guurtida ma u baahannahay oo su’aal immika taagan ah, waxa loo baahan yahay oo la odhan doonaa haddii Allaah yidhaa Habka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku ku shaqeeyaan ma shaqeeyaa? Ma kabana? Ma beddelnaa?”
“Waxa la odhan doonaa Madaxweynuhu hadduu 50% (boqolkiiba konton) wax ka yar helo in wareeg dambe (wareeg labaad) la celiyo doorashada oo labada Xisbi ee isku soo hadhaa haddana ay tartamaan oo Xisbiga saddexaad mid gacan-siiyo, wax badan baa innoo hadhsan. Markaa, waxaynu furi doonnaa Dastuurka, wixii innaga qabyo ahna waynu hagaajin doonnaa, dawladda soo socotaana waxaas badankooda qaban doonta.” Sidaa ayuu yidhi Faysal.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo sii watay jawaabta uu su’aashaa kor lagu weydiiey ka bixiyey, waxa uu yidhi; “Laakiin, maanta waxa weeye Baarlamaanki (Guurtida iyo Wakiillada) waa fadhiyaa, Xukuumaddi waa fadhidaa, dawladdu way fadhidaa, waa wada baarixi, horta Baarixigaa aynu ka takhallusno, waa inaynu waxeenna si heer Qaran ah uga fikirnaa oo aynu Muraayad Qaran qaadannaa.”
“Markaa, Dastuurka ayaynu eegi doonnaa, laakiin laba Madaxweyne ayaan samaynayaa dee wuxu awood-qaybsi beeleed buu ahaaye Beeshii lahayd Madaxweynaha haddaad ka falliidhid oo Nus Cambe Babbay ka dhigtid ma wax baad faa’iidaysay mise wax baad khaladday? Wax baad khaladday.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment