Hargeysa (Himilo)-Illaahay naxariistii janno ha ugu deeqee 42 marxuum oo hadhaaga meydadkooda laga helay tuulada Biyo-shiinaha ayaa si heer qaran ah dib loogu aasay agagaarka goobtii laga helay ka dib markii dib loo kanfay looguna tukaday.
Hadhaaga meydadka 42-kan marxuum ayaa ka mid ahaa dadweynihii sida naxariis darrada aheyd ay ciidamadii dawladii Soomaaliya ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre u xasuuqeen, waxaanay isugu jireen rag iyo dumar waayeel, dhalinyaro iyo carruur kala ahaa, waxaana hadhaaga meydadkooda laga helay goob loo qorsheeyey in la soo mariyo dhuun cusub oo biyaha soo gaadhsiisa magaalada hargeysa.
Aaska qaran ee loo sameeyey hadhaaga meydadka 42-ka marxuum ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin, mudanayaal, madaxdhaqameed, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo culimo aw diin kuwaasoo dhamaantood ku tukaday isla markaana illaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Hadhaaga meydadka Marxuumiintan ayaa qaarkood loogu tagey maryihii ay xidhnaayeen, halka qaarna ay Siteen Cadaro,Fidhin,Weel Cunto iyo Waxyaale kale oo muujinaya sida aan dadka loogu aabo yeelin. Wasiirada Caddaaladda, Warshadaha, Maayirka Caasimada, Guddoomiyaha Xafiiska Baadhista xasuuqa, Culimo ka tirsan Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta, Sheekh Aadan Siiro iyo Masuuliyiin kale oo badan oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb galay Aaska dadkaasi.
Kuwaasoo dhamaantood ka waramay xasuusta iyo xanuunka ay lahayd xasuuqii ummadda reer Somaliland uu u geystay ciidamadii Siyaad Barre.
Ibraahin Siyaad Yoonis, Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa oo sharaxay siday u heleen Xabaasha “Waxaanu bilawnay biyo balaadhintii Hargeysa, markaa halkii Beebka la marin lahaa ayaanu ku aragnay Kuus yar oo aan xabaal u eekayn laakiin, meel yar oo ciidi tuulan tahay ah, markaa dadkii degaanka ayaa yidhi meeshaasi dad baa ku aasan oo marar bay lafahaasi soo baxaan, kaddib waxaanu samaynay inaanu la xidhiidhno wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo guddida xasuuqa”.
Waxa sidoo kale laga soo saaray xabaasha dadkaasi Maryihii ay xidhnaayeen iyo alaabooyinka ay siteen oo ay ka mid yihiin, Cadar, Fidhin, tusbax, weel cunto iyo walxo kale oo muujinaya sida dadkaasi u ahaayeen kuwo war moog ah oo aan wax dambi ah lagu qaban sida uu sheegay mujaahid Saleebaan Sallo oo ka mid ah Mujaahidiintii SNM, islamarkaana sharaxay waxyaabaha laga fahmi karo Alaabta wehelinaysay qalfoofka maydadkan.
“Dadka halkan lagu xasuuqay waxay ahaayeen dadkii ka carrarayay madaafiicdii ka soo dhacayay Madaarka ee isku dayay inay badbaadan iyagoo xagga waqooyi magaalada uga soo baxay dabeedna lala soo daba galay Baroonka iyo diyaaraddaha duqaynayay ee South African-ku wadeen”, ayuu yidhi Guddoomiyaha guddida xasuuqa Khadar Like oo arrintan ka hadlay.
Sheekh Aadan Siiro, ayaa isna sheegay in sida nasuustu tilmaamayso ay dadkaasi leeyihiin Janno, maadaama iyagoo aan hubaysnayn si xaq darro ah loo dilay. Waxa uu sheegay inay yihiin carruurtii iyo maatidii ka carrarayay dumintii Hargeysa lagu samaynayay.
Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Meydadkaa 42-ka ah ee aynu dul taagannahay maanta ee sida gar darrada ah loo laayay ee laga soo qoday intii beebkaas magaalada lagu sii wadaa ku hagaagay iyadoon hareereheedii la dayin waxay calaamad yar uun ka tahay dalka wixii ka dhacay”.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment