Tuesday, August 25, 2015
Ruushka oo laba Wershadood oo Nukliyeer ah u dhisaya Dalka Masar
Madaxweyne SISI oo maanta booqasho ku tagaya Moscow
Qaahira, 25 August, 2015 (Himilo)- Dalalka Ruushka iyo Masar, ayaa kala saxeexday heshiis is-faham oo laba wershadood oo Korontada Quwadda Nukliyeerka ku shaqaysa lagaga lagaga dhisayo deegaanka Dabaa ee ku yaala duleedka magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Sida uu sheegay La-taliyaha Wasiirka Korontada dalka Masar Ibraahim al-Asiri oo horena u ahaan jiray Kormeere ka tirsan hay’ada ilaalinta Quwadda Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay, heshiiska hordhaca ah ee dhismaha laba wershadood, ayaa dhammaystirmaya Salaasada maanta kulan magaalada Moscow ku dhexmari doona madaxweynayaasha Ruushka Vladamir Putin iyo madaxweynaha Masar Cabdulfatax al-Sisi oo isagu maanta booqasho ku tagaya dalkaas.
Dhismaha laba wershadood waxa u tartamaya Afar shirkadood oo laga leeyahay dalalka Maraykanka, Kuuriya iyo Shiinaha, Ruushka, balse waxa ku guulaystay Shirkadda Rosatom oo ay leedahay dowladda Ruushka oo maal-gelinaysa mashruucan, waxaana ku baxaya adduun dhan 5 Bilyan oo Dollar, taas oo dowladda Masar ku bixin doonto muddo laba sanno ah, sida uu sheegay Ibrahim al-Asiri
Al-Asiri waxa uu intaas ku daray in wax-soo-saarka Quwadda Korontada ee laba wershadood, noqonayso 2,400 megawatts, isagoo intaas ku daray in laba wershadood sannadkii ku shaqayn doonaan 32 tan Shidaalka Nukliyeerka.
Heshiiska is-faham ee la filayo inuu maanta soo gebo-gaboobo, waxa hore u kala saxeexday wasiirka maalgesjiga dalka Masar Ashraf Salman iyo Raysalwasaare ku-xigeenka dalka Ruushka Arkaydy Dvokovich oo bishii December ee sannadkii hore ku kulmay magaalada Mosow.
Qorshahan ayaa dalka Masar ka fududaynaya baahida korontada dalkaas oo inta badan ku xidhan biyo-xidheennada Webiga Nile, waxaanay fursad u siinaysaa beeralayda dalkaas inay helaan biyo ku filan waraabka beeraha.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment