Sunday, August 2, 2015

Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta Hargeysa oo Siddeed jirsaday, Jewigii Daah-furka ee shalay iyo Weedhaha Madaxdii ka hadashay

 

Hargeysa, 02 August, 2015 (Himilo)- Munaasibad si weyn loo soo agaasimay, ayaa shalay lagu daahfurayey Todobaadka Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkiiba hal mar la qabto, ayaa shalay lagu qabtay huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa.
Bandhigga Caalamiga ha ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkan hal-ku-dhig looga dhigay ‘Barada’, waxa ka qayb-galay dadweyne iyo mari sharaf kala duwan oo gudaha iyo dibedda dalka ka kala socda, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-xigeenka Qorsheynta Mr. Cabdikariin A. Mooge, Wasiir-xigeenka Warfaafinta Marwo Shugri Xariir, Musharaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.
Bandhiggan oo galay sannadkii siddeedaad, waxa kale oo goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka socday safaaradda dowladda Ingiriiska ee Addis Ababa, shakhsiyaad iyo aqoonyahanno ka socday dalka Nigeria oo sannadkan lagu marti-qaaday munaasibadda iyo marti-sharaf kale oo heer caalami ah.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo xafladaa ka hadlay ayaa si weyn u soo dhoweeyey dhamaan martisharafta kala duwan ee dacalada dunnida ka yimi, isla markaana ka waramay muhiimadda ay sanadkan u leedahay munaasibaddan Hargeysa International Book-fair.
Dr Sacad waxa uu carabka ku dhuftay inay carwada Bandhigga Buugaaggtu sanadkan ka sii xiiso badan yihiin sannadihii ka horeeyey maadaama ay ka soo qaybgaleen waddamo farabadan oo aan ahayn kuwii horey uga soo qaybgalijiray sida dalka Nigeria oo ah dalka ugu dadka badan qaaradda Africa, waxaanu yidhi,
“Waxaan filayaa inaan nala wadaagi doontaan farxada bandhiga caalamiga sideedaad ee buugaagta Hargeysa, waxaanan ku dhawaaqayaa inay inoo furan tahay.”
Drs Adna Aadan Ismaaciil oo iyana madashaa ka hadashay, waxay sheegtay inay munaasibaddani soo dhaweyn gaara iyo qadarinba siinayso, martisharafta ka socota dalka Nigeria iyo guud ahaanba ka soo qaybgalayaasha shirkan muhiimka ah, waxay kaloo sheegtay in halku-dhiga sannadkan ee “Barada” tahay wax dhinac walba looga baahan yahay, hadday tahay barro-dhaqan, barro-siyaasadeed, barro-waxbarasho iyo kuwo kaloo badan
Drs Adna ayaa sheegtay inay farxad weyn u tahay inay horteeda fadhiyaan laba hablood oo ardaydeedii ahaan jiray, xilligana kaalimo sare kaga jira horumarka dalkooda iyo dadkooda.
Drs Adna, ayaa sidoo kale dardaaran u soo jeedisay xukuumada Somaliland, xisbiyada mucaaradka iyo saxaafada, waxaanay tidhi, “Xukuumada waxaan leeyahay ha noqon mid wax cabudhisa, xisbiyada mucaaradkana waxaan leeyahay ha noqonina kuwo wax dumiya, saxaafadana waxaan leeyahay ha noqonina kuwo caaya.”
Wasiir-xigeenka Warfaafinta Marwo Shugri oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay inay soo dhoweynayaan cid kastoo ku hawlan horumarinta dhaqanka Somaliland, waxaanay tidhi, “Nageynta, cid kastoo isku-deyda nageynta dhaqanka iyo jiritaankiisa aad baan u soo dhoweynayanaa, dhalinyarada balwadahii iskaga tegay ee samaystay naadiyada Akhriska aad baan ugu mahadnaqayaa. Waxaan rajeynayaa inay noqdaan maskaxdii aanu ku faanaynaynay hadaan nahay bulshoweynta Somaliland.”
Bandhiga caalamiga Siddeedaad ee buugaagta Hargeysa waxa sidoo kale ka halday marti-sharaf caalami ah oo lagu marti-qaaday kuwaas oo ka kala socday dalalka Koonfur Afrika, Masar, Cameroon, Kenya, Ghana, Ugandha, Turkey, Australia, Sweden Denmark, Italy, UK iyo Maraykanka.
Bahda Suugaanta, Sawir-qaadayaal, fanaaniin, Madbacadaha dalka, 4 Jaamacadood oo dalka gudihiisa ku yaalla iyo Lix Naadi Akhris oo ka socda gobollada dalka, ayaa la fiilayaa inay madashada ka hawlgalaan muddadad lixda maalmood ah ee uu bandhiggu socdo.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment