Saturday, August 8, 2015
Booliska Angola oo Raadinaya Qof Hal Milyan oo Doollar kaga dul-tagay Diyaarad iyo Sharciga lala tiigsan doono
Luanda, 17 August, 2015 (Himilo)- Booliska dalka Angola ayaa waxa ay raadinaayaan milkiilaha hal milyan oo dollar oo boorso kujirta taas oo looga dhextagay diyaarad kusii socotay Shiinaha. Duuliyaha Diyaaradda ayaa Lacagtaasi helay, waxaanu ku wareejiyey Maamulka dalka Angola.
Waa sharci-darro in Lacag intaa leeg lagu Safriyo dunida oo dhan iyo dalkaasi gudihiisa ama laga gudbiyo Xuduud. Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliska dalka Angola Aristófanes dos Santos, ayaa sheegay in lacag gaadheysa 1,032,000 oo Doollarka Mareykanka ah in la helay wax yar ka hor intaanay Diyaaraddu ka kicin Garoonka caalamiga ah ee Luanda.
Sida ay Baahisay Laanta Afka Soomaalida ee Idaacadda BBC-da oo aannu Warkan ka soo xigannay, Shandadda ama Boorsada ay Lacagtan faraha badani ku jirtay waxaa laga helay meel u dhaw mid ka mid ah Kuraasta qeybta Business Class (Qaybta Ganacsatada Sare) ee Diyaaradda. Aftahayeen dos Santos, ayaa sheegay in Duuliyaha Diyaaradda uu si deg-deg ah arrinta ugu wargeliyay Ciidammada Amniga ee Garoonka Diyaaradaha Luanda, kuwaasoo illaa iyo hadda isku deyaaya inay helaan qofka leh Lacagtan ama sitay.
Afhayeenka u hadlay Ciidanka Booliska Angola waxa uu tilmaamay in baadhitaan hadda ay bilaabeen si ay u helaan meesha asal ahaan Lacagtani ay ka timi. Lacagtan faraha badan ayaa waxay jaho-wareer gelisay dalka Angola. Sharciga dalkaasi ayaa dhigaya qofkii lagu arko isagoo Lacag intaa le’eg Boorso ama Shandad ku sita in la xidho oo la ganaaxo.
Dadka arrimaha Dhaqaalaha ku taqasusay waxa ay sheegayaan, qofkii Lacagtaas soo sheegta inaan loo celin doonin oo uu heli karo oo keli ah 1.5 boqolkiiba, isla markaana uu waajihi doono dembiyo la xidhiidha qaadidda Lacag sharci-darro ah iyo jebinta Shuruucda dalka Angola iyo sidoo kale Shuruucda caalamiga ah ee Lacagta xaddigan leh in gacan ama Boorso lagu qaato ka taalla.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment