Saturday, August 1, 2015
Dadweynaha Muqdisho oo la yaabban Muuqaal Kacbada Xaramka loo ekeysiiyey oo Muqdisho laga dhisay iyo Jawaab Culimada laga filayo
Muqdisho, 01 August, 2015 (Himilo)- Shacabka Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, ayaa si weyn wax isaga weydiinaya Muuqaal dhisme sida Kacbada ku taal magaalada Makka ee dalka Sacuudiga loo dhisay, taasoo Muqdisho lagu dhex-arkay.
Muuqaalkan loo ekeysiiyey Kacbada ee lagu Dawaafo marka Acmaasha Xajka la gudanayo, ayaa la sheegay in Culimadda dhistay sheegeen inay ugu tallogaleen inay ku baraan dadka sida loo dawaafayo marka ay waajibaadka Xajka dadku gudanayaan.
Dadweynaha deggan magaalada Muqdisho, ayaa u daawasho taga goobta laga dhisay Muuqaalka loo ekeysiiyey Kacbada Xajarul Aswadku ku jiro, isla markaana in badani isweydiinaysaa sharciyan waxa Diinta Islaamku ka qabto, in dad waajibaad Diini ah ku sameeyaan goob aan loogu talogelin ama saamaynta ay mustaqbalka ku yeelan doonto jiilal aan ogeyn sababtii loo sameeyey markii hore.
Muqaalka Kacbada Makka ayaa Diintu innoo sheegtay in mid u eegi ku yaallo Jannada oo la yidhaahdo Baytul Macmuur, taasoo maalin walba Toddobaatan kun oo Malag ku tukadaan, dibna aanay ugu soo noqon, sida Xadiiska Nebigeennii Maxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee (C.S.W) innoo sheegay.
Muuqaalkan loo ekeysiiyey Kacbada ee laga dhisay Muqdisho, ayaa la eegayaa waxa Culimada Islaamku ka yidhaahdaan waxa ay Diinta Islaamku ka qabto, maanta iyo maalmaha soo socda-ba, si ay Bulshada ugu fasiraan Diiniyan in dhismahan Kabcada loo ekaysiiyey bannaan yahay in la dhisan karo iyo in kale.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment