New York 04 August, 2015 (Himilo)- Xarunta Qaramadda Midoobay ee New York ayaa la sudhay qeyb ka mid ah duraaxadda la saaro Kacbada Xaramka, waxaana xaflad loo sameeyey goob-joog ka ahaa Xoghayaha QM Ban Ki-moon iyo safiirka Sacuudiga u fadhiya Qaramada Midoobay Cabdalla Al-Mocalimi.
Safiirka Sacuudiga u fadhiya QM Mr. Mouallimi, ayaa sheegay in qeybtan duraaxada Kacbada la siiyey QM horaantii sannadihii sideetamaadkii, balse lagu soo celiyey magaalada Makka, si dib u habayn loogu sameeyo.
Duraaxadda Kacbada xaramka ayaa sannad walba la sudhaa maalinta sagaalaad ee bisha Dul-xija, oo ku began maalinta muslimiinta xajka yimaada taagan yihiin buurta Carrafo.
Durraaxadda sannad walba laga beddelo Kacbada Xaramka, ayaa loo qaybiyaa wufuuda waddamada Muslimka ee Xajka taga iyo hay’adaha, inkasta oo xilliyadii hore loo qeybin jiray qoysaska dadka farsameeya, balse wakhtiyo dambe ayey xukuumada Sacuudigu go’aamisay in duraaxadaha la bedelo hadyad ahaan loogu diro wadamadda Islaamka.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment