Hargeysa, 16 August, 2015 (Himilo)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay meel-mariyey Ajandaha Kalfadhiga 28aad oo furmay Sabtidii todobaadkii hore, waxaana Ajandaha kalfadhiga ku jira xeerar xaasasi ah oo Goluhu u samaynayo Wax-beddel, Akhris iyo dib-u-eegis, halka xeerarka qaarkood oo Guddi-hoosaadyada Golahaas gacanta ku hayaan warbixinno laga dhegaysan doono.
Fadhiga shalay ee Golaha oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa ka soo xaadiray 46 mudane, waxaana ajandaha kalfadhiga in la meelmariyo oggolaaday 37 mudane, Shan mudane way ka soo horjeesteen, halka saddex mudane ka aamuseen.
Ajandaha Kalfadhiga 28aad ee Golaha Wakiilada, ayaa waxa ku jira 11 xeer oo qaarkood ka baaqdeen kalfadhigii hore ee Golaha halka xeerarka qaarkoodna cusub yihiin.
Xeerarka ku jira Kalfadhigan, waxa ka mid ah; Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka golaha Wakiillada, Xeerka Nidaamka Xukuumadda, Xeerka Kufsiga iyo Xad-gudubyada Jinsiga, Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeerka Somaliland Road Authority, Xeerka Baanka Ganacsiga, Xeerka Miisaaniyadda, Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, Xeerka Saxaafadda, Xeerka La dagaalanka Argagixisada iyo Xeerka Caasimadda.
Sidoo kale, waxa Ajandaha kalfadhiga 28aad ee Goluhu shalay meelmariyey ka mid ah U yeedhista masuuliyiinta Qaranka, Ansixinta Masuuliyiinta Qaranka, Xeerarka Golaha Guurtida ka soo noqda, iyo Xeerarka Madaxweynaha ka soo noqda ee aanu saxeexin.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment