Tuesday, August 4, 2015
Heshiis laga gaadhay Muran-Xuduudeedka ugu layaabka badan Adduunka ee laba dal ka dhexeeya iyo Saamaynta ka dhalatay
Delhi, 04 August, 2015 (Himilo)- Waddamada Hindiya iyo Bangalesh, ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay khilaaf xuduudaha ay wadaagaan ah oo muddo 70 sanno sanno u dhexeeyey, waxaanay todobaadkan la kala wareegeen in ka badan 160 Daamood oo mid waliba ku taallo gudaha waddanka kale.
Tallaabadan heshiiska kaga gaadheen labada waddan, ayaa saamayn ku yeelanaysa nolosha in ka badan 50,000 qof oo dhex-deggenaa waddan waddan aanay u dhalan muddo todobanaan sanno ah, waxay fursad u helayaan dhammaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka iyo korontada.
Heshiis dhexmaray labada waddan sannadkii 1974-kii oo labada waddan kulak ala wareegeen lahaanshiyaha deegaanno isku dhexjira, ayaa fashilmay kaddib markii waddanka Hindiya fulin waayey heshiiska, haseyeeshee heshiis mar labaad dhexmaray sannadkii 2011-kii oo daraasayntiisu wakhti badan qaadatay, ayaa si rasmi ah loo shaaciyey bishii June ee sannadkan, iyadoo hirgelinta heshiiskaas lagu shaaciyey kulan Sabtidii todobaadkan dhexmaray madaxda labada waddan.
Heshiiska ayaa dhigaya in Hindiya iyo Bangaledesh si rasmi ah ula kala wareegaan mulkiyadda deegaamo ku dhex-yaalla gudaha xuduudka labada waddan (Enclave), dadka ku noolna afti laga qaado inay qaadanayaan jinsiyadda dalka cusub iyo inay u guuraan dalkoodii hore.
Deegaanka Dahala Khagrabari oo uu leeyahay dalka Hindiya isla markaana ku dhex-yaalla gudaha dalka Bangledesh, waxa uu ku xeeran yahay deegaan kale oo ka tirsan dalka Bangledesh,
Arrinta Mucjisada leh ee heshiiskan lagu xalliyey, ayaa ah in meesha laga saaray mid ka mid ah xuduud-dhulkeedka ugu cajiibsan dunida ee u dhexeeya labada waddan, taas oo ah Dhul waddan iska leeyahay oo ku dhex-yaalla waddan kale, dhulkaas oo haddana uu ku wareegsan yahay dhul kale oo waddan kale leeyahay.
Arrinta kale ee cajiibka ah ee heshiiskani xalka u noqday ayaa ah dhibaato dadka ku nool ka haysatayinay u safraan magaalo-madaxda ama magaalooyinka kale ee dalkooda, taas oo ku kallifi jirtay inay waraaqaha dal-ku-galka u qaataan sidii ay u sii dhexmari lahaayeen deegaan ku xeeran dhulka ay ku nool yihiin oo haddana ku dhexyaalla waddankooda, arrintaas oo mararka qaarkood ku kallifi jirtay inay tahriib ku dhexmaraan dhulka uu leeyahay waddanka kale si ay u gaadhaan caasimadda ama magaalada ugu dhow ee ay ka heli karaan adeegyada Dowladda.
Waddanka Bangalesh oo la odhan jiray East Pakistan xilligii Guumaysiga, ayaa ka mid ahaan jiray Waddanka Pakistan oo ka go’ay dalka Hindiya, ka hor intii aanay ka go’in Pakistan.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment