Monday, August 10, 2015

Isku Dhacyo Dhexmaray Ciidamada Bileyska Iyo Qoys Ku Nool Hargeysa +Xadiga Khasaaraha Xabad Ay Ciidamadu Adeegsadeen+ Iyo Wareysi Lala Yeeshay Dadkii Ku Dhaawacmay Shaqaaqadan.

 

Hargeysa 10 August 2015(Himilo)-Ciidamada Booliiska ayaa shalay galab xabad u adeegsaday qoys degan xaafada Jigjiga-yar Ee degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa.
Khasaaraha xabadan ciidamada bileysku u adeegsadeen qoyskan ayaa waxaa ku dhintay wiil 11 jir ah halka afar qof oo kalena ku dhaawacmeen.
Dhaawacyada dadka xabadu ku waxyeelaysay ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, Kalkaaliso ka tirsan cisbitaalka guud ee hargeysa ayaa iyadu ka warantay xaalada dhaawacyada dadka xabadu waxyeeshay iyo wiilka ku dhintay.
Wasiir ku xigeenka Amniga oo isagu difaacay ciidanka bilayska ayaa ku dooday in ciidanku isdifaaceen kadib markii qoyskani kala horyimaadeen dhagax tuur iyo iska caabin.
Isku dhacyada qoyskan iyo ciidan bilayska ayaa la sheegayaa in iska hor imaadkoodu khuseeyo dhul la isu haysto oo dawlada hoose ee hargeysi amartay in la joojiyo balse qoyskani dhisme ka waday.
Aabaha dhalay qoyskan ayaa isaga xabsiga loo taxaabay intii aanay arintani dhicin.
Wariyaha Laanta afka somaliga ee BBCda oo cisbitalka hargeyska ku bookhday qoyskan dhaawacyadu kasoo gaadheen xabada bileyska ayaa ka waraystay sidii ay wax u dhaceen.

 

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso Wareysiga Axmed Siciid Cige Ka Qaaday Qoyskan.

 

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2015/08/Wareysi-Axmed-Siciid-Cali-ka-Qaaday-Qoys-Xabada-Ku-habsatay.mp3"][/audio]

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment