Guddoomiyaha Golaha Sare ee Jaamacadda oo Iska Difaacay eedo loo jeediyey
Hargeysa, 09 August 2015 (Himilo)- Jaamacadda magaalada Hargeysa, ayaa Sabtidii shalay dib loo furay, waxaana si rasmi ah u bilaaban tahay waxbarashadii, iyadoo macalimiintii iyo Ardaydii Jaamacadd, muddo laba todobaad ah kaddib oo jaamacaddu u xidhanayd khilaaf soo kala dhex-galay maamulka iyo macalimiinta jaamacaddaas oo markii dambe sababtay rabshad khasaare sababtay oo ardayda qarkood ka geysteen Jaamacadda.
Arday ka tirsan Jaamacadda Hargeysa oo lagu xidhiidhiyey inay gacan saar la leeyihiin macalimiin khilaaf ka dhexeeyey maamulkii jaamacada Hargeysa, ayaa 27-kii bishii hore oo jaamacaddu diyaarinaysay imtixaan laga qadayo arday, ayaa weeraray ku hujuumay jaamacadda, waxaanay khasaare u gesteen dhismaha iyo gaadiid dhex-yaallay xarunta jaamacadda, waxaanay arrintaasi sababtay in jaamacadda la xidho. Macalimiinta rabshadaha ardaydu sameeyeen lala xidhiidhiyey oo warbaahinta la hadlay, ayaa iyaguna masuuliyadda rabshadahaas isaga riixay Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa, iyagoo sheegay inay maamulka sare ee jaamacadda ku taageereen musuq-maasuq iyo qaraabo-kiil ay ku eedeeyey oo sababtay khilaafka dhexmaray.
Go’aanka shalay lagu furay Jaamacadda Hargeysa, ayaa ka dambeeyey kaddib markii ay Guddiga Sare ee Jaamacaddu go’aamo lix qodob ka kooban ka soo saareen khilaafkaas, waxaana go’aamadaas lagu gaadhay in shaqada laga eryo laba macalin rabshadaha ardaydu sameeyeen lagu edeeyey inay ka dambeeyeen kuwaas oo kala ah Axmed Maxamed Cadaad oo ah hormuudka kuliyadda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda iyo Prof Keyse Cali Geeddi oo ah hormuudka Kuliyadda Dhaqaalaha iyo Ganacsiga. Sidoo kale waxay Guddiga Sare ee Jaamacaddu si ku-meel gaadh ah guddoomiye ugu magacaabeen Wasiir ku-xigeenkii hore ee Caafimaadka xukuumaddii UDUB, Cismaan Buuri, kaddib markii guddigu aqbaleen is-casilaad ay hore ugu gudbiyeen maamulkii jaamacaddaas oo si ku meel-gaadh ah u sii hayey xilkaas.
Haddaba, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo ah Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa sharraxaad ka bixiyey sida uu ku bilaabmay khilaafka soo-jiitamay ee u dhexeeyey maamulkii hore iyo Macalimiinta qaarkood iyo sidoo kale qaabka ay u mareen furdaaminta khilaafkaas.
“Maanta (shalay) oo Sabti ah waxa la furay Jaamacadii, Macalimiintii iyo Ardaydiiba way ku soo noqdeen, guddoomiyihii cusbaana howshiisii wuu bilaabay, waxay ka reaynayaa Illaahay (SWT) inay noqoto markii u dambeysay ee Jaamacaddu innaga Xidhan tahay. Jaamacadda Hargeysa waa jaamacad qaran, maaha Jaamacad qof, maaha jaamacad ay macalimiintu leeyihiin ama kooxi ay leedahay ama deegaan leeyahay, waa Jaamacad uu wax ku leeyahay qof kasta oo reer Somaliland ah. Markaa, runtii waa Jaamacad inooga baahan inaynu ilaalinno sumcaddeeda iyo tayadeeda,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.
Wasiir oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Jaamacaddu waxay leedaay sharci, waxay leedahay xeer qeexaya habka jaamacadda loo maamulayo, habka shaqaalaha loo qoranayo iyo habka shaqaalaha loo eryayo. Muddo sannad iyo dheeraad laga joogo waxa dhacday in Shan macalin dacwad ku soo oogeen guddoomiyihii hore ee jaamacadda oo la xidhiidhay Xatooyo iyo Qabyaalad, labadaba waxaanu u saarnay hay’ado madax-bannaan inay baadhaan oo xaqiijiyaan waayo annaga laftayadu maanaan ogeyn inay run tahay iyo been tahay. Natiijadii ka soo baxday labadii baadhitaanba waxay noqotay inaan xoolo-na la xadin, qabyaaladna aanu samaynin.
Markaa sharcigu wuxuu odhanayaa haddii cidi eedayso cid kale oo ay sharafteeda meel kaga dhacdo oo waxba lagu waayo, ciddii dacwaddaas soo aloostay ee beenta ka sheegtay dambi ayey sameeyeen, xeerkiisuna waa eri, guddiga ayaana go’aannkaas gaadhay iyadoo raacaysa sharcigii iyo qaanuunkii jaamacadda,” ayuu yidhi Md Sacad Cali Shire.
Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa, ahna wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo la weydiiyey waxa uu kaga jawaabayo eedo Prof Cadaad iyo Prof Keyse u jeediyeen isaga, kuwaas oo ahaa inay Guddi ahaan dhinac ka noqdeen khilaafkaas hore iyo inuu sharci-darro yahay Go’aamada Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa soo saareen waxa uu ku jawaabay, “Go’aanka aanu qaadannay iyo Furitaanka Jaamacadduba waa go’aan Madaxtooyo; madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, maaha wax annaga oo qudha naga yimi. Waxa uu madaxweynuhu soo saaro iyo waxa shuruucdeennu dhigayso, waxa muwaadin ahaan innagu waajib ah inay ixtiraamno oo ku dhaqan-gelinno, haddaynu diidnana, sharciga ayaa sheegaya wuxuu ka yeelayo, markaa arrinkaasi waa arrin u yaalla hay’adaha inoo qaabilsan ammaanka,” ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shre.
Isagoo iska difaacayey eedaymaha labadaas macalin u jeediyeen, waxa uu yidhi, “Qofku wuxuu uurka ka yahay, uurka uun kuma jirtee, way ma soo baxdaa oo ka muuqataa. Daalibnimadu waxay ka muuqan lahayd dhaqankayga iyo shaqadayda, midna kama muuqato, laakiin taasi waa shakhsi weerar, waa sharaf-dil, waa magac-dil caalamkoo dhan lagu baahiyey, waan ka xumahay, arrinkaasna waxaan magan u ahay sharciga iyo qawaaniinta waddanka.”
“Aniguna guddiga xubin uun baan ka ahay, arday hala ii galiyo, Fee (lacagta Jaamacadda) hala iga daayana ma odhan, waayo waxaan u arkaa inaanay sax ahayn. Anigu waxaan aaminsanahay sharciga, nidaamka qaranimada, ma aaminsani xatooyada, eexda, qaraabo-kiilka. Wasaarad baan wasiir ka ahay, waxaasi maamulkayga ayay ka muuqan lahayd, markii aan wasaaradda imi waxaan qoray 86 qof, darawalkeyga oo aan la imi mooyaane, qof kaliya kuma qorin reernimo.” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire.
Himilomedia
Hargeysa office
No comments:
Post a Comment