Thursday, August 6, 2015

Jamaal Cali Xuseen oo sheegay inay Xukuumadda Kala Shaqaynayaan Sidii Midowga Yurub loogu Qancin lahaa Sii-joogitaankooda Dalka

Hargeysa, 06 August, 2015 (Himilo)- Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in xafiiska Midawga Yurub ee Somaliland ahaa mid siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba muhiimad balaadhan ugu fadhiyay dalka, sidaas awgeedna ay xukuuumadda kala shaqaynayaan inaanay dhimin hawlaha shaqo ee ay ka wadaan Somaliland.

jamaalJamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in mashaariicda xukumaddu ku faanto intooda ay qayb ka yihiin horumarka Midawyga Yurub ka taageeraan Somaliland oo xafiiskooda la soo marin jiray, isal markaana xafiiska uu astaan u yahay Aqoonsi dadban oo Somaliland la siiyey.

“Midowga Yurub waxay ku dhawaaqeen in Somaliland ka bixi doonaan oo xidhi doonaan xafiiskoodii kali ahaa ee Hargeysa. Wuxuu ahaa xafiiskaasi icitiraaf dadban, muhiimad la ina siinayay iyo dan beesha caalamku inaga lahayd ayuu ahaa,” ayuu yidhi Jamaal Cali oo warfidiyeennada kula hadlayey Hargeysa.

Isaga oo ka hadlayey sababta keentay in midowga Yurub Go’aankan qaato, waxa uu yidhi, “Waxaan aad uga xumahay in markii la arkay xukumaddii oo ka baxday heshiisyadii ay xisbiyada mucaaradka ah la gashay, oo geedi socodkii dimuqraadiyadda dhaawac badani ku yimid, in EU-du go’aan ku qaataan inay xafiiskooda albaabada u laabaan.”

Murashaxa Xisbiga UCID, waxa uu ballan-qaaday inay Xisbi ahaan kala shaqaynayaanayaan Xukuumadda inaanay Midowga Yurub ka guurin Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan leeyahay anagu diyaar baanu u nahay sidii aanu xukumadda ugala shaqayn lahayn sidii loo joojin lahaa Midawga Yurub oo ay dalka u joogi lahaayeen”.

Jamaal waxa uu arrinta Xafiiska Midowga Yurub ku xidhiidhay muranka siyaasadeed ee xilligan dalka ka jira, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay la hirgeliyo heshiiskii Xisbiyada dhexmaray, “Waxaa muhiim ah, oo lagama maarmaan ah in xukumaddu hirgaliso heshiiskii xisbiyada ay la gashay ee beesha caalamku makhraati ka ahayd mana aha in nin ama soddon nin dalku u afduubnaado oo la yidhaa waa la soo dhiraan dhirinayaa.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa go’aanka Midowga Yurub ku sababeeyay Arrimo dhaqaale oo la xidhiidha kharashaashka ku baxa xafiiskooda.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment