Saturday, August 8, 2015

Kalsoonidii Umada Xirsi-baa Kasbaday. W/Q: Khadar Cabdiraxmaan.

Somaliland oo maanta shan iyo labaatan jirsatay muu soo marin qof aaminkiisu dal iyo dibadba gaadho, isla markaana lagu soo hirto oo lagu aamino hantidii umada, gaar ahaana wixii ay gaarka u shaqaysteen.


Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xassan runtii waxaa waajib ku ah inuu ilaahay u mahad naqo siiyey kalsoonimada umada, intaas kadib waxaan anigu ku sifayn lahaa shaqsi ilaahay haybad u siiyey maamulka iyo isku wadka dadka.


Waxaan aad ula dhacay qaadhaanka aduunyada guudkeeda laga soo uruuriyey ee sida kalsoonidu ka muuqaato isaga oo xafiiskiisa fadhiya loogu keenaayo, taasi waxay marag ma doon tu tahay hibada uu wasiirku u leeyahay kasbashada shacabka.


Bil kasta waxaad arkaysaa dadweyne is abaabulay oo lacago iska soo uruuriyey oo raba inay ku darsadaan wadada ceerigaabo iyo wadooyinka kale ee ka socda dalka, kuwaas oo aan hore uga dhicin in la bilaabo, hadal qaadkooduna uu iska yaraa.


Talaabada wadooyinka waxaa ku amaanan xukuumada madaxweyne siilanayo ee talada umada haysa, waxaana sii mudan cida uu madaxweynuhu u igmaday oo ah wasaaradda madaxtoyada, isla markaana uu hogaan u yahay wasiirka madaxtooyadu mudane Xirsi Cali Xaaji Xassan oo ku sifoobay aaminimo.


Mudane Madaxweyne waxaad nasiib u heshay wasiiro daacad iyo karti leh, kuna filan hawlaha qaranka, hadii wasiiradu wada noqon lahaayeen sida Xirsi oo kale dalka wax badan ayaa iska bedeli lahaa ilaahay amarkii.


Maanta nabad iyo badhaadhe ayaa la joogaa hadii uu rabi xukuumadada waafajiyey waxqbad ay ku dhici waayeen dawladihii kaa horeeyey ee saddexda ahaa, taas oo ah jidka laamiga ah ee Ceerigaabo, kaas oo ah hal bawle ka maqnaa Somaliland.


Waxaan ugu danbayntii odhan lahaa Mudane, Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xassan ilaahay hakuu fududeeyo xilka adag ee aad u hayso shacabka Somaliland iyo xukumadaada dadaalka badan ee aad ka midka tahay.


Khadar Cabdiraxmaan


Khadarc16@gmail.com


No comments:

Post a Comment