Wednesday, August 12, 2015

Madaxwayne Siilaanyo oo Tacsi U Diraya Xiddigle Faarax Caraale Waaberi Oo Ka Tirsanaa Milateriga Somaliland.

 


 


 

12/08/2015


TACSI MADAXWEYNE


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka Militeriga oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid alle ha u naxariistee Xidigle  Marxuum  Faarax Caraale Waabari oo 11/08/2015, (shalay) u geeriyooday toogasho uu u geystay mid ka mida ciidanka qaranka, halka uu dhaawac culusi soo gaadhay taliyihii aaga galbeedka gaashaanle sare Xasan Caaqil oo hada lagu daawaynaayo Cusbitaal kuyaal Jabuuti, madaxweynuhuna waxa uu alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo sarkaalka.



Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.



 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


 


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

No comments:

Post a Comment