Saturday, August 8, 2015
Madaxweynaha Puntland oo isku dayaya dagaallo uu ku ekaysiiyo Somaliland iyo Galmudug, AMISOM-na ka dalbaday Saanad Millateri
Garoowe, 08 August, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa shaaca ka qaaday inay Puntland dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Midawga Afrika ee (AMISOM) ka doonayso taageero Saanad Millateri u badan oo ay kaga hor-tagaan, isla markaana kula dagaallamaan Kooxda Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay Gaas.
Hase-yeeshee, Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay inaanay doonaynin in Ciidammo AMISOM ka socda la keeno deegaannada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ka taliyo, balse ay doonayaan in lagu taageero Qalab Millateri. “Ma doonayno Ciidammo ka socda AMISOM inay noo yimaaddaan, waayo? Ciidanka Puntland waa kuwo awooda inay la dagaallamaan Al-Shabaab.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Gaas.
Madaxweynaya Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi gaar ah oo uu siiyey Wakaaladda Wararka ee Reuters, waxaanu Gaas oo sii watay hadalkiisa, intaas ku ladhay; “Balse, waxaannu doonaynaa in nalaga taageero; Qalabka Millateriga, Isgaadgsiinta, Gaadiidka Ciidanka, Hubka iyo weliba Rasaasta.”
“Saanaddda Ciidan ee aan ka doonayno inay AMISOM nagu caawiso waa mid aan xaq u leenahay inaan ka helno. Waa maxay sababta ay u caawinayaan Ciidammada Muqdisho ku sugan, ee aanay u caawinayn kuwa Puntland jooga? Tani waxay muujinaysaa Xaq-darrada ay ku dhaqmayso dawladda Federaalka Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiweli Gaas.
Madaxweynaha Puntland wuxuu intaas ku daray inuu jiro qorshe la doonayo in 3,000 oo Ciidammada Puntland ah lagu daro kuwa dawladda dhexe ee Soomaaliya, kuwaasoo ay Puntland ka heli doonto dhaqaale, balse waxa uu xusay in aan weli arrintaas la xaqiijin.
Maamulka Puntland ayaa nabadgalyo ay ka jirtay 17-kii sano ee lasoo dhaafay; ka dib markii la dhisay maamul-goboleedkaas, waxaase aanay ka badbaadin Al-Shabaab oo dagaallo ka wadday deegaannada Puntland qaarkood tan iyo sannadkii 2010-kii, markaasoo uu talada hayey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
Puntland ayaa waxay hore u diidday in deegaannadeeda la geeyo Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, si ay Al-shabaab ula dagaallamaan, iyadoo Puntland sheegtay inaanay u baahnayn in Ciidammo ka tirsan AMISOM la keeno deegaannadooda.
Geesta kale, sida uu rabo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas ee ah in Hub, Rasaas, Gaadiid Millateri iyo Isgaadhsiinta Ciidammada lagu caawiyo, waxaa dhici karta inay cadaawad hor leh ka abuurto dhinacyada deris-wadaagta la ah Puntland, sida Maamul-goboleedka Galmudug ama gobollada dhexe ee Soomaaliya oo ay si weyn Puntland uga soo horjeedday dhismihiisa iyo sidoo kale Somaliland oo ay sheegato dhul ka tirsan inay Puntland leedahay oo ay Somaliland xoog kaga haysato, balse ay gacanta ku dhigi doonaan.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa markii uu ku jiray ololihii doorashada Madaxweynaha Puntland loogu doortay iyo intii uu xilka qabtay-ba fagaarayaal uu dadweyne kula hadlay iyo Baarlamaanka Maamulkaas hortiisaba ka ballan-qaaday inuu gacanta ku soo dhigi doono gobollada Sool, Cayn iyo Bariga Sanaag-ba oo uu sheegay inay Somaliland xoog kaga haysato, isla markaana sida uu dhigayo Dastuurka Maamulka Puntland ay gobolladaasi ka mid yihiin Puntland.
Sidaa awgeedna Madaxweyne Gaas waxaanu iska indha-tiri doonin dib u qabsashada iyo ku soo celinta gacanta Puntland ee gobolladaas ka tirsan dhulka Somaliland, iyadoo la ogyahay awood ahaan inaanu wakhtigan xoog iyo xeelad toona ku qabsan karin deegaannada Somaliland ee uu sheeganayo Gaas in Puntland laga haysto. Balse Hubka iyo Saanadda Millateri ee uu hadda dalbanayo, ayaa u saamixi kara inuu isku dayo tallaabooyin uu kaga jawaabayo ballan-qaadyadiisaa hore.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment