Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mud,axmed maxamed maxamuud siilaanyo safarka shaaqo ee uu ugu kicitimay gobolada bariga Somaliland
Waa safar waxtar u leh shacabka ku nool gobolada bariga Somaliland kuwaasi oo ala odhan karo waxa ay waxa ay ka heleen mashaariico badan oo waxtar u leh
Madaxweyne axmed siilaanyo ayaa sida looga bartayba marka uu sfaro noocan oo kale ah galo waxa uu si qoto dheer ugu kuur galaaa xaalada nololeed iyo mida deegaanba
Ee gobollada uu safarka shaqo ku tago sidaa si la mida ayuuna ugu kuurgalay xaaladaha ay ku sugan yihiin gobolada bariga Somaliland tan iyo markii u bilaabay safarkiisa
Uu ku tagay gobolada bariga Somaliland madaxweynaha oo u jeedada safarkiisa ugu muhiimsanayd ahayd soo indha indhaynta
Halka ay marayaan mashaariicihii uu hore u dhagax dhigay oo ay ka mid tahay wada aadka u muhiiimka ah ceerigaabo ilaa burco isku xidhi doonta
Ayaa deegaanadii uu siii maray waxa uu intooda badan ka bilaabay mashaariico kale iyo deeqo uu gaadhsiiyey inta badan deeganada uu tagay
Madaxweynuhu isagoo soo dhawayn qiimo badan kala kulmay dadka ku dhaqan dhamaan deegaanada uu maray ayaa inta badan waxa uu kala hadlay sidii caadada u hayd
Adkaynta nabadgalyada, ilaalinta midnimada umada , wadajirka shacabka marka ay danta guud tahay, iyo garab istaagida horumarka deegaanadaasi ka socda ee ay xukuumadu wado
Madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo ayaa goobaha uu sida gaarka ah xaaladooda nololeed ugu kuur galay wax aka mid ahaa
Goobaha caafimaadka qaybahooda kala duwan kuwaasi oo uu madaxwene axmed siilaanyo indhihiisa ku soo arkay, asagoo deeqana gaadhsiiyey cisbitaaladaasi uu booqday
Axmed maxamed maxamuud siilaanyo sidii looga bartay waxa kale oo uu dhagax dhigay wadooyin cusub isagoona qaar dhamadaaday xadhiga ka jaray
Sidoo kale waxa uu soo indha indheeyey mashruuuca wadada ceerigaabo oo ah mashruuca ugu wayn ee wadooyinka Somaliland
Halkaasi oo ay kala badh wadadu dhamaatay waaana guul ay ku faanayaan dhamaan shacabka iyo xukuumada Somaliland oo siwadajira uga qaybqaatay
Marka aad isu soo wada duubta dhamaan arimahaa isugu jira waxqabadka, taakulaynta iyo u kiuurgalida xaaladaha nololeed ee dadka iyo deeganada uu madaxweynuhu booqaday, waa qaar waxtar uu leh dhamaan shacabka dega dhulka uu madaxeynuhu safarka ku maray .
W/Q : xamse maxamed
Email : xaajixamse7@hotmail.com
No comments:
Post a Comment