
Amaal waxa ay kulanka madaxweyne Siilaanyo ku qaabiley iyo sida dareenkeedu noqday kaga hadashay waraysi kooban oo uu la yeeshay Wariye Mustafe-Janaale.
“Aniga oo ah Amal Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe, ayaa waxaan aad iyo aad ugu faraxsanay shalay oo Salaasa, taariikhduna ahayd 11/8/2015 uu qasriga Madaxtooyada Somaliland uu igu qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay aabahay Marxuum Fagadhe Saaxibo dhow isku ahaayeen,kulankaasi waxa uu ii ahaa kulan taariikhiya oo I soo xasuusiyay yaareyntaydii oo aan arki jirey aabahay iyo Madaxweyne Siilaanyo oo wada socda,marka uu Siilaanyo I arko waxa uu I taaban jirey Madaxa isaga oo ii ahaa aabahayga labaad.
Maantana isaga oo Madaxweyne ka ah Somaliland inaan arko qiimo-weyn iyo farxad ayay ii tahay, markii aan arkay Madaxweyne Siilaanyo waan ooyay oo waxaan soo xasuustay aabahay oo ku geeriyooday 2009-kii dalka Faransiiska ILAAHAY ha u naxariisto.” Sidaas ayay Amaal ku sheegtay waraysiga uu la yeeshay Weriye Mustafe-Janaale.
“Sida uu ii qiimeeyey Madaxweyne Siilaanyo ee uu wakhtigiisa qaaliga ah Ii siiyay waan uga mahad-celinayaa, waxaanan ILAAHAY uga baryayaa Cimri dherer iyo Caafimaad qab ku waaro. Waxaana kulankan igu wehelinayay Hooyaday Caasha Buraale, Habaryartay Iimaan Cashara,Waxaanan u mahad-celinayaa Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo isagu kulankan ka soo shaqeeyey,” ayay tidhi.
Sidoo Kale, Amal Fagadhe waxa ay u mahad-celisay Marwada kowaad ee Somaliland Marwo Aamina-Weris iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay ku tilmaantay inay ku soo dhaweeyeen Somaliland.
Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) ayaa waxa uu ku geeriyooday dalka Faransiiska sanadii 2009-kii wakhtigaas oo uu ahaa Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska oo madaxweyne Daahir Rayaale u magacaabay. Waxa uu hore u soo qabtay Xilalka Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland xilligii xukuumaddii madaxweyne Cigaal. Waxa kale oo uu noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland. Sidoo kale, waxa uu Marxuumka ka mid noqday Hoggaanka Xisbiga KULMIYE xilligii uu mucaaradka ahaa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment