Magacyada Saraakiil dhimasho iyo Dhaawac ka soo gaadhay Rasaas Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka ku furay
Boorama, 12 August, 2015 (Himilo)- Askari Ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa toogasho ku dilay Sarkaal lagu magacaabi jiray Faarax Carraale Waaberi oo ahaa Xiddigle ka tirsan Ciidanka Qaranka, halka sidoo kale dhaawac halis ahi ka soo gaadhay falkaas Taliyihii Ciidammada Qaranka ee Aagga galbeedka Somaliland Gaashaanle Sare Xasan Caqli.
Falkan oo subaxnimadii hore ee shalay ka dhacay Xero Ciidan oo ku taalla magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxa dhaawac halis ah ka soo gaadhay taliyaha Ciidamada Qaranka ee Aagga Galbeed Gaashaanle Sare Xasan Cabdi Caqli oo gelinkii dambe ee shalay Diyaarad gaar ah lagaga qaaday magaalada Boorama, iyadoo la geeyey waddanka Jabuuti oo xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayo.
Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ka hadlay falkan ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Askarigii falkan geystay baadhis ku wadaan sababtii ka dambaysay dilka uu Askarigani ula badheedhay saraakiisha ka tirsan Ciidamada Qaranka.
“Waxa maanta (shalay) magaalada ka dhacay dil iyo dhaawac halis ah oo uu geystay sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, halkaasi waxa dhaawac halis ahi ku yaalaa oo cusbitalka u joognaa Taliyihii Aagga Galbeedka Gaashaanle Sare Xasan iyo Marxuumka kale oo lagu magacaabo Xiddigle Faarax Carraale Waaberi oo ku geeriyooday gacantaa ka timi Gacan-ku-dhiiglaha. Ninkii falkan geystay gacanta ayaa lagu hayaa, baadhitaankiina wuu socdaa. Illaahayna waxaan ka baryeynaa inuu Illaahay ka badbaadiyo gacantaa ka gar-daran ee ku dhacday Xasan, dedaalna waanu ugu jirnaa inaanu diyaarad ugu qaadno cusbitaallada innoogu dhow ee dalalka aynu jaarka nahay,” Sidaas waxa yidhi badhasaabka gobolka Awdal oo warbaahinta kula hadlayey gudaha cusbitaalka Guud ee Boorama oo wakhtigaas xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayey Taliyaha Aagga Galbeed ee Ciidanka Qaranka, ka hor intii aan gelinkii dambe ee shalay diyaarad gaar ah lagaga qaadin madaarka magaalada Boorama oo in muddo ah ay ugu dambaysay diyaarad soo fadhiisata.
Dhinaca kale, wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Axmed Xaaji Cali Cadami oo dhacdada ka hadlay, ayaa sheegay in askariga dilkan geystay sharciga la marin doono.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment