Isu-duwaha dhaawacu soo gaadhay oo la sheegay inay rasaasi fadhiisatay Caloosha, taas oo caafimaadkiisa halis galisay, ayaa u baahday inuu helo adeeg caafimaad oo xaaladdiisa lagu tacaalo, waxaanay wasaaradda duulistu u dirtay diyaarad gaar ah oo u soo qaadday dhinaca magaalada Hargeysa.Ninka Dhaawaca ah iyo u geystay, ayaa la sheegay inay Isku-qoys yihiin, lama garanayo sababta keentay khilaaf sababay gacan ka hadalka khasaaruhu ka dhashay. Haseyeeshee, waxa ciidamada Ammaanku ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan ninka falka toogashada ah geystay.
Diyaaradda oo fadhiisatay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo oo aan muddo sannado ah la isticmaalin, waxa goobta ku sugayay Baabuur Ambalaas ah oo Dhaawaca Isu-duwaha lagaga qaaday Cusbitaalka Ceerigaabo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment