Saturday, August 8, 2015
Wasiirka Hawlaha Guud oo ka hadlay tirada guryaha Dawladda iyo Xaaladdooda
Hargeysa, 08 August, 2015 (Himilo)- Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa sheegtay in guryaha dawladu leedahay ee dalka ku yaala gaadhayaa kun iyo saddex boqol, laakiin saddex boqol dunsan yihiin oo dhulkoodii la diiwaangeliyey.
Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo ka hadlayey waxqabadkii wasaaradda mudadii shanta sannadood ee la soo dhaafay ayaa sheegay inay wax weyn ka qabteen waajibaadkii ay u xilsaarnaayeen.
“Wasaarada Hawlaha Guud hawl culus ayey shacabka Somaliland u haysaa, oo ah ilaalinta hantida ma-guurtada ee qaranka iyo guud ahaan waxii la xidhiidha gaadiidka, ha noqoto shuruucdiisa, halkuu marayey.
Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirasaaq Khaliif ayaa sheegay in wasaaradu hesho misaaniyada ay waajibaadkeeda qaran ku gudato, waxaanu yidhi, “Wasaaradu miisaaniyad ay hawlmaalmeedka waajibaadkeeda ku gudato way haysataa, waxaan odhan karaa intii xukuumada awooweeda waa loo roon yahay wasaarada, wax badan oo ay wax ku qabato way haysaa, waxa aanay ahayna, waa wax awoodu inoo diiday ee maaha wax hagrasho xukuumada ku timi.
Wasiirka Hawlaha Guud ayaa u soo jeediyey shacabka inay ogaadaan in hantida dawladu tahay mid la wada leeyahay, qofna aanu gaarkiisa ugu takrifalin, waxaanu yidhi,
“Dadku waa inay ka waantoobaan boobka, iyo hantida dadka ka dhexeysa inuu qofku isagu si gaar ah u isticmaalo, maadama ay tahay hanti ummadu wada leedahay, kana qeybqaataan ilaalinta iyo dhowrista amniga dalka.”
Dhinaca kale, Agaasimaha waaxda Guryaha iyo Dhulka ee wasaarada Hawlaha Guud, Eng Cabdiraxmaan Maal oo ka hadlayey tirada guud ee guryaha dawladda ku kala yaal guud ahaan dalka ayaa sheegay inay yihiin 1300 guri, waxaanu yidhi
“Waxaan soo diiwaangelinay, Kun saddex boqol iyo saddex gurri dadku degeen, afar iyo afartan bakhaar waaweyn (ware houses), guyahaasi boqolkiiba 80% waxay ku yaaliin magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Magaalada hargeysa waxa ku yaala shan boqol iyo kow guri, afar boql iyo soddon iyo lix gurrina degmada Berbera, inta soo hadhayna waxay u qeybsan yihiin guud ahaan magaalooyinka dalka.
Agaasimaha oo ka hadlayey xaalada ay ku sugan yihiin hantida ayaa sheegay, “Gurayaha wasaarada hawlaha guud soo diiwaangelisay waxay u kala baxaan saddex qeybood, qeyb saddex boql oo gurri way dunsan yihiin oo dhul ahaantoodii ayaan haynaa, laba boqol oo guri dib-uhabayn balaadha ayey u baahan yihiin, oo dalka ayey ku baasan yihiin, sided boqol iyo shan gurrina way shaqeynayaan. Marka laga reebo dhowr iyo lixdan gurri oo xukuumadii hore hadyad ahaan u bixisay ama iibisay, sida sekedahii Indian line-ka.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment