Saturday, August 1, 2015

“Wuxuu ahaa imtixaan ay ku kala baxeen inta Somaliland dhuuniga u dhex joogta iyo inta dhaqasho ugu dhabar jabay!”Wasiir Xirsi.

Ceerigaabo, 01 August, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay socdaalka weti uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo wakhtigan ku sugan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo la filayo inuu madaxweynuhu xadhigga ka jaro dhammaystirka wejiyadii ugu horreeyey ee dhismaha Jid laami ah oo isku-xidhaya gobollada Togdheer iyo Sanaag.
Md Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo u ka hadlay halka uu marayo dhismaha jidkaas iyo rejada ay qabaan inay dhammaystiraan dhismaha ku-dhawaad kala badh masaafada waddadaas, sida uu wasiirku ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bogga Internetka uu ku leeyahay.
Qoraalka Wasiirka ayaa u qornaa sidan:- “Waxaa maalmihii u dambeeyey soconayey waftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha JSL Mud, Axmed Maxamed Silanyo ee kormeerka shaqo ku marayey gobolada bariga Somaliland
Hadaba, waftiga oo maalmo kahor kasoo laabtay gobolka Sool ayaa soo gaadhay gobolka ugu weyn JSL ee Sanaag oo laga hirgalinayo mashruuca ugu wayn dalka.
Mashruuca dhismaha jidka isku xidhi doonaa Sanaag iyo Togdheer oo ahaa tijaabadii ugu adkayd ee qaranka Somaliland galo ayaa wax Illaahay loogu mahad naqo ah in guushiisii waxyar ka dhiman tahay oo maantaba ku dhawaad 150Km diyaarsan tahay kuwaas oo isugu jira in laami ah iyo in ku jirta diyaarinta wajigii ugu dambeeyey.
Wuxuu ahaa imtixaan ay ku kala baxeen inta Somaliland dhuuniga u dhex joogta iyo inta dhaqasho ugu dhabar jabay!
Waxay ahayd tijaabo iyo wakhti uu fulaygu shakiyey balse geesiyadu geella baxsheen waliba ugu yaraan kalmad wanaagsan deeq uga dhigeen shacabka reer Sanaag ee sanadaha badan jid la’aantu go’doonka ka dhigtay,waxaase nasiib daro ah in dadka qaarkood ay ugu yaraan kalmad wanaagsana u quudhi waayeen maalintii adkayd.
Waxaa amaan iyo bogaadin mudan shacabka xoolihii ay dhaqanayeen jidka ku daray iyagoo soo nooleeyey dareenkii ahaa iskaa wax u qabso kuwaas oo tusaale fiican u ah isku duubnida shacabka iyo xukuumada jidka horumarka cagta u saartay.
Waxaa xusid mudan in ujeedada shacabka loo waydiinayo qaadhaanka jidku aanay ahayn in xoolaha nool iyo lacagtuba wax badan jidka ka dhisi karayaan balse ay tahay in la abuuro jawi qofka muwaadinka ah dareemo in uu dalkiisa wax gashanayo taasi oo xoojinaysa lexejeclada uu dalkiisa u hayo.
Waxaa xasuusin iyo farxad mudan in maanta dhamaan intii daamur gali lahayd jidku diyaar tahay sidoo kalena ugu yaraan lix dhaggax burburiye (Crushers) ay ku rakiban yihiin buuraha kuwaaso oo isugu jira qaar Wakaaladda horumarinta waddooyinku leedahay iyo kuwo dad shakhsi ah leeyihiinba
Waxaa hubaal ah in maalin dhaw inta yar ee ka dhiman jidku dhamaan doonto sidoo kalena noqon doonto guul guud ahaanba qarankeena u soo hooyata, waxaan aaminsanahay in Wixii Rag u Kaco Rabbina aqbalo, haba raagee, uu rumoobo,” Sidaas ayuu Wasiir Xirsi ku yidhi qoraalkiisa.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment