Sunday, August 9, 2015

Xafiiska Xoghayaha Guud ee QM oo ka hadlay Cabasho Qaxooti reer Yemen ah oo Hargeysa ku sugan ka sheegteen WFP & UNHCR

Muxuu ka yidhi Farqiga u dhexeeya taageeradooda Somaliland & Somalia

 New York, 09 August, 2015 (Himilo)- Qarammada Midoobay ayaa sheegtay inaanay jirin farqi u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, marka laga hadlayo arrimaha bani’aadminimadda, maadama ay ku shaqeeyaan dhexdhexaadnimo.

1362235914001_3972171980001_video-still-for-video-3972198254001Afhayeenka Xoghayaha Qarammada Midoobay Mr. Stéphane Dujarric, oo wakaaladda wararka ee Innerpress ka weydiisay cabasho ay muujiyeen qaxooti reer Yemen oo ku sugan Somaliland, kuwaas oo sheegay inaanay xuquuqdii qaxootinimo ee ay xaqa ugu lahaayeen ka helin hay’adaha gargaarka ee jooga Somaliland, sida UNHCR iyo WFP, waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay gar-gaar isugu jira raashin bisil iyo lacago siiyeen dadka ka soo cararay dagaallada Yemen ee ku sugan Somaliland iyo Soomaaliya.

Mr Dujarric oo ka jawaabayey su’aashani, wuxuu yidhi, “Waxaad ka hadashay xaalada dadka ka soo cararay dagaalada Yemen ee yimi Soomaaliya, iyo inuu jiro farqi u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, marka ay timaado taageerida dadkaa.

Sida  saaxiibbada UNHCR noo sheegeen dad gaadhaya 23, 000, oo boqolkiiba sagaashan yihiin Soomaali ayaa ku laabtay Soomaaliya. Hay’adda WFP waxay ugu diyaarisay cuntooyin karsan iyo dhamaan meelihii ay ku nasan lahaayeen. Sidoo kale WFP waxay siinaysay lacag gaadhaysa $100 dadka ku laabanaya goboladooda, waxay sidoo kale taageero u fidinaysay qaxootiga Yemen ee degan magaalada Qardho ee Puntland.

Mr. Dujarric, afhayeenka Xoghayaha Qaramadda Midoobay oo ka jawaabayey inuu jiro farqi u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, marka ay timaado dhinaca taageerada iyo gar-gaarka bani’aadamnimo, waxa uu yidhi, “Dhinaca jiritaanka farqi u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, Qarammada Midoobay waxa haga mabda’a dhexdhexaanimada. Waan ka jawaabnaa taageerada dadka baahan ee labada gobolba, annagoo aan u eegayn siyaasad.

Jawaabta Qaramadda Midoobay ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan cabashooyin ka soo yeedhay qaxootiga Yemen, gaar ahaan Carabta, ee jooga Somaliland oo sheegay inaanay wax taageero ah ka helin hay’adaha qaabilsan arrimaha qaxootiga sida UNHCR iyo WFP, sida uu Wargeyska Himilo ku baahiyey war ku saabsan xogwaraysi uu la yeeshay Afhayeenka qaxoontiga Carabta ah ee sugan Somaliland todobaadkii hore

Dhinaca kale, wasaarada Qorsheynta Qaranka oo xukuumada ugu xilsaaran la xisaabtanka hay’adaha gargaarka ee dalka jooga, ayaan weli wax warar ah ka soo saarin cabashada qaxootiga ka soo cararay dagaalada dalka Yemen ku sugan dalku ka sheegteen hay’adaha gargaarka.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment