Thursday, July 3, 2014

Garoomada Diyaaradaha Ee Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Maanta Ammaankooda Kor Loo Qaaday

New York:July,03,2014(Himilo)-Waxa Maanta Kor loo qaaday Ammaanka Garoomada Diyaaraduhu ka Haadaan ee Dalka Maraykanka kadib markii la helay warar dhiillo leh oo soo baxay.

amaanQaar ka mid ah Garoomada Diyaaradaha ee Dalka Britain ayaa iyagan kor loo qaaday Digniintaas awgeed.

Weli sirdoonada Mareykanka iyo Ingiriisku si cad uma faahfaahin khataraha sababay in la adkeeyo amaanka garoomada oo si kedis ah loo arkay maanta.

Balse Waaxda arrimaha amaanka ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in argagixiisadu ay weli doonayaan in ay weeraro la beegsadaan garoomada, hase yeeshe ay ka hortagayaan.

Garoomada diyaaraddaha Mareykanka ayaa baadhitaano adag lagu sameeyaa dadka ajaaniibta ee ku safra iyadoo marar badan dhacdey in dad caan ah saacado lagu haystay.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment