Saturday, July 5, 2014

Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Barxadda HOre ee Baarlamaanka Somalia

Muqdisho:July,05,2014(Himilo)-Caasimadda Somalia ee Muqdisho, waxa Maanta ka dhacay qarax xooggan oo keenay khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira.

qaareQaraxan oo ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka soamlia, ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ugu yaraan afar askari, halka dhaawacana lagu sheegay ilaa Toddoba qof oo u badan askar.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dadka dhintay uu ku jiro wadihii gaadhiga qarxay oo ciidamada ay ku amreen in uu joojiyo, balse ka dhega adeygay, waxayna Saraakiisha Boolisku sheegeen in uu damacsanaa inuu gudaha u galo xarunta Otto Otto oo ku dhex taal Wasaaradda arrimaha gudaha, halka warar kale ay tilmaamayaan in uu beegsanayey xarunta Baarlamaanka oo aan goobta uu ku qarxay ka fogeyn, xiligaasi oo baarlamaanku fadhi ku lahaa maanta, laakiin arintaasi darteed loo baajiyay.

Ciidamo isugu jira kuwa dowladda ayaa goobta gaadhay si ay u xoojiyaan amaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega oo dadkii ku dhaawacmay goobta ka daabulay.

 

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa cambaareeyay falkan ay ciidamada amaanku fashiliyeen, waxase Goobta ka dhacay Jaahwareer iyo cabsi fara Badan, iyadoo loo malaynayey in qaraxa kadib ay kooxda shabaabku soo qaadi doonaan weerrarradii qaraxyada daba socday ee lagu yaqaanay.

 

 

 

Himilo Meida

No comments:

Post a Comment