
Helitaanka dawadani cusub ayaa noqon doonta qodobka ugu weyn ee looga hadli doono kulanka bishan July 20-keeda ilaa 25-keeda lagu qaban doono magaalada Melbourne ee dalkaasi Australia, kaasoo looga hadli doono cudurka halista ah ee AIDS-ka, waxana ay Saynisyahanadu ayaa rajo weyn ka qabaan in tani ay hirgali doonto.
Wali lama oga da’da Carruurtan xanuunka laga daweeyey, laakiin waxaa la filayaa in laga shaacin doono marka 14 kun oo ergo oo ka kala socda 200 oo dal ay isugu yimaadaan Melbourne si ay u wadaagaan horumar iyo cilmi baadhiso kuwii ugu dambeeyey ee quseeya HIV-AIDS.
Guddoomiyaha kulanka AIDS 2014 ayaa warbaahinta ugu sheegay Australia in inkastoo ay dad ku sifeeyeen tani Daawo, haddana aan wali si rasmi loo gaadhsiin Karin heer Daawo.
Ka dib markii viruska laga yareeyey hooyooyinka carruurtaasi , ayaa afarta carruur ee reer Canada waxaa la siiyey tan ama dosage aad u sarreeya oo daawo antiretroviral ah (waa dawo lagaga hortago retrovirus sida HIV).
Warka ku saabsan afarta carruur iyo arrintoodan guusha leh ayaa yimid sanad ka dib marki la shaaciyey ilmihi ugu horreeyey ee laga daweeyo HIV.
Ilmo ku dhashay Mississippi, USA sanadkii 2010, ayaa laga cidhib tiray viruska 2013-kii, waxana ay taasi bar-bilow u ahayd tallaabadan Maanta La Qaaday.
Hooyada dhashay ilmahaasi ayaa ogaatay in ay qabto HIV markii ay usoo dhowaatay in ilmaha dhasho kolkaasoo aaanay gaadhi Karaynin in ay sameyso ficil ka hor tag ah oo caawin kara ilmaha aan dhalan inaanu qaadin HIV.
Si kastaba ha ahaatee afartan carruur ee reer Canada ee aan kor ku soo xusnay ayaan wali laga joojinin dawadii iyadoo dhakhaatiirtu aanay awoodin in ay go’aan ka gaadhaan in virus-ku soo laaban karo iyo in kale haddii ay dawada ka joojiyaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment