Thursday, July 3, 2014

Ra’isal wasaare Cabdiweli Oo Si Weyn Uga Horyimi Xanuunka Sucuudigu Ku Sheegay Geella Somalida iyo Somaliland Oo Wali Aamusnaan Ku Daawanaysa

Muqdisho:July,03,2014(Himilo)-Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters, Ra’isal wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa si weyn u beeniyey Warka soo baxay Dawladda Sucuudiga oo Geella somalida ku xidhiidhiyey Xanuun Dalkaas Lagu Arkay Dhawaan.

gedeWar saxaafadeedkan ka yimi Xafiiska Ra’isal wasaaraha, waxaa lagu sheegay in xogta dawlada Soomaaliya hayso ay sheegayso inaanay jirin wax kiis ah oo la xidhiidha Jeermiska MERS oo laga helay Geela Soomaalidu dhaqato isla markaana aan cadeyn loo heyn warka Sacuudiga kasoo baxay.

“Tan iyo markii uu xanuunka MERS dilaacay ma jirin wax kiis xanuunkan la xidhiidha oo Soomaaliya laga sheegay ama laga helay” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka Reuters lagu qoray.

Warkaas ayaa intaa ku daray in xannibaada dhoofinta Geela Soomaaliya inay keenayso dhibaato dhaqaale oo ganacsatada Soomaaliyeed taabata.

In dawlada Soomaaliya ay la la shaqeyn doonto hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo dawladaha kale ee saaxiibada la ah si loo hubiyo in jeermiska MERS aanu Soomaaliya ka jirin, ayaa sidoo kale warkaankan lagu sheegay.

Qiyaastii 4.7 million oo neef ayay ganacsato Soomaaliyeed sanadkii lasoo dhaafay  Dhoofisay,waxaana Riyaha iyo Iduhu ay ka yihiin 80% xoolaha Soomaalidu Sacuudiga u dhoofiso.

Todabaadkii hore sarkaal ka tirsan dawlada Sacuudiga oo la yidhaahdo Taariq Madani  ayaa sheegay in geela Soomaliya laga dhoofiyo laga qaado xanuunka MERS,ka oo boqolaal ruux ku dilay dalalka Carbeed qaarkood.

Xukuumadda Somaliland  Shacabkeedu dhoofiyaan Kumanaan ka mid ah Geella Shakiga laga muujiyey, ayaa iyadu wali jawaab rasmi ah ka bixin Hadalka sucuudiga ka soo yeedhay, waxana wali taagan  tashuushkii lagu furay Dadka xoolo dhaqata ah ee Somaliland ku dhaqan.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment