Wasaaradda arimaha dibadda ee wadanka Jarmalka ayaa u yeedhay safiirka Maraykanka u jooga Jarmalka, si wax looga waydiiyo nin jarmal ah oo looga shakiyay inuu Maraykanka u basaasayay laamaha Arimaha dibada ee Jarmalka.Bayaan wasiirka Arimaha dibadda Jarmalku soo saaray ayaa lagu sheegay in loo yeedhay Safiirka Maraykanka John B Emerson, si uu uga caawiyo arinta ku saabsan shakiga ah in 31 jir Jarmal ah oo mudo ka shaqaynayay Wasaaradda Arimaha dibadda Jarmalku uu sidoo kale la shaqaynayay Wasaaradda Arimaha dibadda ee Maraykanka.
Ninka Jarmalka ah ayaa la xidhay ka dib markii looga shakiyay arimo basaasnimo iyo inuu xog baadhis ay wadday guddi baarlamaani ah u gudbinayay Maraykanka.
Wargeysyo ka soo baxa Jarmalka ayaa sheegay in ninkani ilaa 2012-kii uu la shaqaynayay Maraykanka, isla-markaana ay dawladda Jarmalku arrintiisa Dabagal ku haysay.
Waxaa la aaminsanyahay in ninkani uu maraykanka ka iibiyey in ka badan 200 oo dokumenti, waxaana laga shakinayaa in uu labada dhinacba u shaqeenayey.
Arintan ayaa kor u qaadaysa xiisad u dhexeysay labada dal ee Maraykanka iyo Jarmalka ka dib arimo dhinaca basaasida ah oo iska soo daba baxayay.
Hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel ayaa si aada uga cadhootay dhegaysi Maraykanku ku sameeyay Telefoonadeeda, arintaasi oo uu baahiyey ninka maraykanka ka baxsaday ee Snowden.
Himilo Meida
No comments:
Post a Comment