Saturday, July 5, 2014

Madaxweyne Silaanyo Oo Wasiir Cusub U Magacaabay Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha,cilmi baadhista Iyo Technology-yada Qaranka

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo ) ayaa u magacaabay Cali Xaamud Jibriil inuu noqdo wasiirka wasaarada xidhiidhka goloyaasha, cilmi baadhista  iyo technology-yada.

Warsaxaafadeed  goor dhawed naga soo gaadhay xafiiska afhayeeenka madaxweynaha somaliland oo lagu cadeeyey magacaabistani waxaana uu  u dhignaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED


                                                       

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2622/072014 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 


Wuxuu go’aansaday


In Mudane, Cali Xaamud Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH


Himilomedia.com

Hargeysa-Somalilland

No comments:

Post a Comment