Saturday, July 5, 2014

Madaxweyne Gaas Oo Dhaqan Uu Caan Ku Ahaa Xilligii Uu Ra’isal Wasaaraha ahaa U soo Raray Maamulka Puntland

Garowe:July,05,2014(Himilo)-Waxa isasoo taraya Cabashada Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland ee la xidhiidha Mushahar la’aan xilli lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaanta oo kharashaadkeedu xad-dhaaf yahay.

geesiArrinta Mushahar la’aanta Ciidamada ayaa la sheegayaa inay tahay caado iyo dhaqan uu Madaxweynaha Xilligan ee Maamulka Puntland Cadiweli Maxamed Gaas uu caan ku ahaa xilligii uu Ra’isal wasaaraha ka ahaa Dawladii ku-meel-gaadhka ahayd ee Somalia.

Waxaa hadda mushahar la’aan muddo Afar bilood ah ciidamada maamulka Puntland, waxaana maanta Garoowe ka dhacay dibad bax ay dhigaayeen ciidamada Daraawiishta maamulkaasi, si ay u muujiyaan Cabashadooda.

Saraakiisha ciidamadan ayaa sheegay in Muddo Afar Bilood ah aanay helin wax mushahar ah, halka markii uu Faroole joogay ay heli jireen bil walba lacagtooda oo diyaar ah.

Dhanka kale Gaas kama aanu hadlin sababta keentay in ciidamadan ay Mushahar la’aan noqdaan, iyo eedan loo jeediyey ee ah inay mushaharka ciidanka ee la lunsanayaa tahay  midka mid ah caadooyinkiisa uu ku soo boqno gooyey dawladii ku-meel-gaadhka ahayd ee uu ka soo shaqayn jirey.

 

 

 

Himilo Meida

No comments:

Post a Comment