Muqdisho, 05 July, 2014 (Himilo)- Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo dhawaan iska casilay xilkaas, ka dib markii ay fashilaado dhinaca nabadgelyada ahi hadheeyeen, ayaa maanta Madaxweynaha federaalka Soomaaliya waxa uu u magacaabay La-taliyihiisa arrimaha Siyaasadda.
Wareegto shalay kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu u magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed La-taliyaha arrimaha Siyaasadda ee Madaxweynaha.

Waxa Qoraalka Madaxtooyada ka soo baxay lagu sheegay in Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Xukuumadda federaalka Soomaaliya ka soo qabtay xilalka Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka oo markii hore hal Wasaarad isku ahayd, markii dambe ee Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh la magacaabay-na uu kala saaray Wasaaraddaas oo uu Cabdixakiin Guuleed u magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka, kaasoo uu iska casilay markii laba bil ka hor la weeraray xarunta Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo ay Koox Al-Shabaab ka tirsani si xoog ah gudaha ugu galeen.
Sidoo kale, Qoraalka waxaa lagu sheegay in xilkan loo magacaabay Cabdixakiiin Xuseen Guuleed in howshiisu ay billaabatay 29-kii bishii hore, balse keliya ay magacaabistu shalay uun si rasmi ah u soo baxday Wareegtada magacaabista Masuulkani.
Magacaabiddan ayaa imaanaysa xilli aanu weli Raysal-wasaaraha Soomaaliya cid u magacaabin Jagadii uu Cabdixakiin iska casilay xilka Wasaaradda Ammaanka Qaranka, taasoo uu si Ku-meel-gaadh ah u sii hayo Wasiirka Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya.
Himilomedia.com Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment