Tuesday, July 8, 2014

Madaxweynaha oo Xukuumaddiisa ku Kordhiyey Wasiir ku-xigeen iyo La-taliye Cusub

Hargeysa, 08 June, 2014 (Himilo)- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu soo saaray shalay waxa uu xilal ugu magacaabay Wasiir ku-xigeen cusub oo wasaaradda Kheyraadka Baddu yeelanayso halka uu la-taliyihiiisa gaarka ah ee Arrimaha bulshada uu masuul cusub u magacaabay. Madaxweynaha Somaliland waxa uu wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaradda Kalluumaysiga u magacaabay inuu noqdo Cabdi-kariin Axmed Mooge, halka la-taliyihiisa gaarka ah ee Arrimaha Bulshada uu u magacaabay Maxamed Iid Dhinbiil.

Madaxweynaha-Somaliland-SiilaanyoWarsaxaafadeed ka soo baxay afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo lagu faafiyey digreetooyin madaxweynuhu ku magacaabay labada masuul, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2624/072014 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada. MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdi-kariin Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland. MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay La-taliyayaasha Madaxweynuhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Maxamed Iid Dhinbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Himilomedia.com                                

Hargeysa-Somaliland     

 

 

No comments:

Post a Comment