laga waayey wax la kariyo markaasuu gabadhiisii ku yidhi : guriga ma
inoo taalaa wax lacag ah oo aan raashin ku soo iibsanaa?
markaasay ku tidhi haa waxa inoo yaala hal dirham oo keliya!
markaasuu ugu hal celiyey bal ii dhiib inuu inoo jaro Daqiiq,
markii ay u dhiibtay ayuu ula dhaqaaqay xagii suuqa markii uu soo
galay dukaankii ayaa waxa ka soo dabo galay nin miskiina oo
dawarsanaya oo ku yidhi : fadlan sadaqad hor Illaahay ii sii, Abuu
muslim ayaa ka naxay su'aashaas Illaahay dartii wax lagu waydiistay
markaasuu Dirhamkii uu daqiiqda ku doonayey siiyey miskiinkii !.
markii uu bixiyey Dirhamkii keliya ee uu hayey ayuu gurigiisii ku
noqday laakiin muxuu sameeyey?
wuxuu kiishkii uu daqiiqda ku doonayey ku sii guray ciid iyo faarad
ama loox la jeexjeexay hadhaagiisii., dabadeed wuxuu garaacay
gurigiisii kiishkiina wuu dhigay waxaanu u noqday xaga suuqa ama
masjidka Isagoo Rabi baryaya maxaase ka dhacay? kiishkii ayay
gabadhiisii jiidatay oo furtay waxaaba daf ka ah oo ka buuxa Daqiiq
nooca ugu fiican ah?
markaasay ka samaysay kimis in dhawaydba gurigooda lagu cunin markay
caruurtii si fiican u cashaysiisay ee iyadiina ka cashaysay ayaa
odaygiina yimi waa Abuu muslim markaasay islaantiisii soo hordhigatay
cashadii kimista ahayd wuu yaabay markaasu yidhi : xagee inooga timi
daqiiqdani islaantiisii waxay tidhi Illaah khayr ha ku siiyo maanta
waxaad jawaankii noogu noo shubtay daqiiq nooceeda aanan waligay arag
oo aad u macaan oo taran badan!
Abuu muslim ayaa bilaabay inuu cuno kismistii iyadoo labadiisa
indhoodna ilmaynayaan una shukri naqaya Alle swt.
qisadani waxay inoo sheegaysaa in qofku uu mar kasta Illaahay isku
xidho isagaa ku filan waqti kasta oo dhibta haystana ka saari kara’e,
baahideenana aynu Alle uun u bandhigno kuna kalsoonaano marka uu
nimcadiisa ina siiyona aynu ka shukri naqno.
markaad akhrido ha ilaawin inaad ducada ku dedaasho iina soo ducaysid,
Tarjumaadii :
Xuseen Jaamac Guudcadde
Email:diintuwaanasteexo1@
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment