Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdalle ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in kulamo uu dalka Talyaani kula yeeshay madaxda hay’adda duulista hawada ee caalamka in ay isku afgarteen in Soomaaliya lagu wareejiyo xafiiska maamulka hawada Soomaaliya oo laga maamulo dalka Kenya.Qoorsheel ayaa tilmaamay in uu jiro qalab ay leedahay Soomaaliya oo casri ah, kaas oo yaalla dalka Talyaaniga, waxana uu xaqiijiyay in la qorsheynayo qalabkaas in la keeno dalka si dowladda Soomaaliya u maamusho guud ahaan hawada dalkii la isku odhan jirey soomaaliya.
Hawada Soomaalida ayaa laga maamulayay dalka Kenya muddo 20 sano ka badan, waxase haatan taagan muran u dhexeeya Somaliland iyo Somalia oo u dhexeeya qaabka Hawada loogu wareejinayo Maamulka Xamar oo aanay Somaliland sinaba ugu qanacsanayn.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment