Saturday, July 5, 2014

Madaxweyne Silaanyo Oo Digreeto Ku Magacaabay Aasaasida Ciidanka Dab Damiska Qaranka Somaliland

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo ) ayaa soo saaray degreeto madaxweyne oo uu ku aasaasayo ciidanka dab-damiska qaranka somaliland, waxaanay u dhigneyd sidan:

WAR-SAXAAFADEED


                                                 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2619/072014 ku magacaabay Aasaasidda Ciidanka Dab-Demiska Qaranka Somaliland.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu arkay:                     Qodobka 76aad ee Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo

Degmooyinka Xeer Lr. 23/2007;

 

Markuu arkay:                     Khatarta baaxadda leh ee uu dalka iyo dadka ku hayo dabku;

 

Markuu arkay:                     In ay daruuri tahay in la helo cid masuuliyadi si gaar ah uga saaran tahay la dagaalanka dabka;

 

Markuu garwaaqsaday:    In loo baahan-yahay cid isku xidha dadaalada loogu jiro la tacaalidda dabka;

 

Markuu hubsaday:             In Qaranku u baahan-yahay cid si gaar ah ugu xilsaaran la dagaalanka dabka, ka tala-bixinta iyo isku duwidda hawlaha la xidhiidha la dagaalanka iyo ka hortagga dabka;

 

Markuu si xeel dheer:        Ula tashaday dadwayanaha iyo laamaha dawladeed ee ay khuseyso;

 

Wuxuu soo saaray;


 


Qodobka 1aad


Aasaas Dab-damiska


 


Waxa halkan lagu Aasaasay Ciidanka Dab-Demiska Qaranka oo leh Qofnimo Qaanuuneed, xaruntiisuna tahay Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, laamana ka furan kara Gobollada dalka, kaas oo hoos imanaya Ciidanka Booliiska oo ku leh awoodaha kala ah:

 

 

1.     Helidda warbixinada shaqada, maaliyadda, qiimaynta la socodka siyaasadda, halbeegyada iyo tilmaamaha guud ee Xukuumadda, baabi’inta ku xad-gudubka maamulka iyo awoodda iyo u gudbinta Xukuumadda Dhexe odoraska Miisaaniyadda.

 

2.     Awoodda kala hormarinta qorshayaasha oo mudnaanta lagu kala siinayo qorshayaasha.

 


Qodobka 2aad


Ujeedada Dab-damiska


 


Ujeedada Dab-damisku waa  inuu ka badbaadiyo bulshada khatarta dabka.

 

Qodobka 3aad


Xilka iyo Waajibaadka


 

Xilka iyo waajibaadka Ciidanku waa:

 

 

1.     Dejinta qorshayaal iyo cilmi-baadhisaha lagama-maarmaanka u ah horumarinta      ujeedooyinka iyo hababka ka hortagga iyo xakamaynta dabka, iyada oo loo eegayo horumarka xaga wershedaha iyo dhismaha.

 

2.     Si deg-deg ah uga jawaabidda marka ay dhacaan Shilalka dabku si loo yareeyo khasaarahooda xaga Nafta iyo Maalkaba iyada oo lala xidhiidhayo hay’adaha kale ee ay khusayso.

 

3.     Fulinta iyo dabagalka qorshayaasha iyo hababka gaarka u ah hawlaha dab-demiska iyo badbaadinta dadka iyo hantida.

 

4.     Fulinta iyo dabagalka qorshayaasha iyo hababka gaarka u ah hawlaha dab-demiska iyo badbaadinta.

 

5.     Fidinta wacyi-gelina ka hortaga khataraha dabka iyo shilalka iyada oo loo marayo warbaahinta si loo xaqiijiyo ujeedooyinka ka hortagga dabka.

 

6.     Dejinta, rakibaadda iyo dayactirka hab-tilmaama (fire alarm) marka dab kaco iyo qalab lagu damiyo dabka.

 

7.     Diyaargaraynta iyo fulinta talaabo kasta oo kale oo looga golleeyahay xaqiijinta ka hortagga dabka iyo suulinta dhibaatadiisa.

 

Qodobka 4aad


Awoodaha Dab-damiska


 


1.     In ay galaan goobaha dabku ka kaco iyaga oo dhawraya xurmada hoyga.

2.     In ay la wareegaan hantida guurtada ah ee lagama maarmaanka u noqota xakamaynta dabka.

3.     Ka saarida dadka ku xeeran goobta/goobaha dabku ka kaco.

4.     Hagidda hawlaha gurmadka iyo badbaadinta ee lagula tacaalayo dabka.

 


Qodobka 5aad


Qaab-dhismeedka Ciidanka Dab-damiska


 

Qaab-dhismeedka Ciidanka Dab-damiska waxa loo raacaya habka Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Qodobka 6aad


Xilka iyo Waajibaadka Taliyaha Ciidanka Dab-damiska


 


Xilka iyo waajibaadka Ciidanka dab-damisku waa:

 

1.     Hogaaminta, Ciidanka iyo hawlaha  gurmadka Dab-damiska.

2.     Dejinta iyo horumarinta halbeegyada lagama-maarmaanka u ah ka kortagga iyo la dagaalanka Dab-damiska.

3.     Dejinta qorshayaal lagu kobcinayo, isla markaana kor loogu qaadayo  aqoonta iyo xirfadaha lagula dagaalamo dabka .

4.     U gudbinta hay’adaha ay khusayso warbixino iyo talooyin la xidhiidha khatarta dabka ee dadka soo foodsaari karta.

5.     Diyaargaraynta miisaaniyada Ciidanka dab-damiska iyo u gudbinta Hay’adaha ay khusayso.

 

 


Qodobka 7aad


Xilka iyo Waajibaadka Taliyaha Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska


 


Xilka iyo waajibaadka Taliye Ku-xigeenku waa:

 

1.     Ka gacansiinta taliyaha Ciidanka Dab-damiska gudashada Xilkiisa.

2.     Hogaaminta  waaxda ama waaxaha uu u xilsaaro hogaamintooda.

3.     Qabashada xilkiisa marka uu maqan yahay ama uu sabab kale u gudankari waayo xilkiisa.

 

Qodobka 8aad


 Hogaamada Ciidanka


 

Qaybaha ay ka koobnaanayaan Hogaamada Ciidanka, xilka iyo waajibaadkooda waxaa  qeexaya Taliyaha Ciidanka Booliiska.

 


 


Qodobka 9aad


Magacaabista Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska


 


Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska waxaa soo magacaabaya Taliyaha Ciidanka Booliiska marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment