Waxa jira waxyaabo aan waxba yeelayn hadii uu qofku sameeyo soontiisa dhexdeeda waxaana ka mid ah:
1-Indha kuulashada.
Indha kuulashadu waa iyada oo indha kuul la mariyo suuniyaha iyo isha timaha ku yaala taasi wax dhib ah kuma keenayso soonta qofka sooman sida dadka qaarkood moodaan,
Anas ibnu maalik waxaa la soo weriyey inuu indho kuulan jiray isagoo sooman, ogowna maaha indha kuushu wax gaadhaya caloosha ilayn wixii caloosha gaadha ayaa jebiya soonta’e, in indhakuusha ay banaan tahay in la marsado waxa ku tegay Shaaficiyada, iyo ibnu mundar,Hassan albasri ,Alnukhaci iyo Awzaaci, Xaga Saxaabadana waxa laga soo weriyey inay banaan tahay indha kuushu Cabdilaahi bin cumar, Anas ibu maalik, iyo Ibnu abii awfa iyo saxaabo kale Illaahay haka raali ahaadee, sidaas waxaa kale oo raacay Daa’uud athaahiri,
2-Biyo lagu maydho ama la quuso
ama la iskaga shubo korka saacad kasta oo maalintii ah waxba ma yeelayaan qofka soontiisa waana u banaan tahay hadii uu dareemo kulayl qofka soomani inuu sidan sameeyo laakiin biyaha la quusayo waa inuu ka taxadaraa inaanay u gudbin calooshiisa, hadiibase ay dhacdo in biyihii u gudbaan caloosha iyadoo aanu arrinkaasi ku dhicin si badheedha soontiisa waxba ma yeelayso. Waxaana sugan in Nebigeenu calayhi salaatu wasalaam maydhay maalin Ramadaan, marmarka qaarkoodna waagu u beryey isagoo Jinaamaysan dabeed uu maydhan jiray isagoo sooman marka waagu beryo,
3-Dhunkashada.
Hadii uu ninku dhunkado ooridiisa ama iyadu dhunkato waxba ma yeelayso soontiisa laakiin waxaa shuruud u ah in soonta aanay waxba u dhimayn oo aanay ku kicinayn shahwad ama baahi taasoo fududayn karta inuu soonta jebiyo, waxaana haboon qofkii is og inuu arrinkaas hadii u sameeyo aanu is hanan karayn inuu ka fogaado oonu samayn dhunkashada.
Hadiise uu is hubo inuu iska adag yahay wax dhib ah malaha hadii uu dhunkado gabadhiisa ama iyadu dhunkato, culumada qaar baa yidhi hadii uu dhalin yaro yahay ninku waa inaanu samayn dhunkasho, hadii uu oday yahayse waa samayn karaa waayo odaygu ma sii dhib badna. Qaar kalena waxay yidhaaheen waxaa dhici karta in odayaasha qaarkood ka firfircooni badan yihiin dhalin yarada oonay is hanan Karin,
Almuhim waxaa samayn kara dhunkashada qofkii iska adag,
Omar bin khadaab ayaa u yimi Nebigeena SCW wuxuu ku yidhi Nebi Allow maanta anigoo sooman ayaan islaantaydii kula daqaqamay dhunkasho dee waana arrin aad u wayn ee maxaan yeelaa, soontaydii wax ma yeeshay arrintaasi? Markaasuu xabiibkeenu ku yidhi: ka waran cumarow adigoo sooman hadaad biyo ku luqluqato makaa jabtay soontii ? maya ayuu yidhi, dabadeed wuxuu yidhi Xabiibkeenu scw: waa sidaas oo kale uun.
4-Irbad qaadashada.
Irbad qofku isku mudaa waa u banaan tahay, sida tii xanuunka bi’inaysay iyo kuwo la midka ah waxaanse banaanayn kuwa nafaqada leh ee cuntada oo kale ah inuu qofku isku mudo.
5-Toobinka.
Wuxuu ka mid yahay waxyaabaha la baneeyey qofka sooman inuu is toobi karo waayo Nebigeenu scw wuu is toobay isagoo sooman, laakiin waa la karaahiyeystay toobinka haddii qofka sooman ay u keenayso ducfi iyo taag darni, Saabit albanaani ayaa waydiiyey Anas ibnu maalik oo ahaa ninkii u shaqayn jiray nebigeena ma ahaydeen kuwo karaahiyeysta toobinka oo diida waqtigii nebiga Scw markaad sooman tihiin ? Wuxuu yidhi Anas : maya maanaan karaahiyaysan jirin in qofku daciifnimo ay u keenayso mooyaane.
6-dhiig Shubida iyo Dhiig iska qaadista.
In qof soomani dhiig u shubo qof buka way banaan tahay haddii aanay u keenayn qofka sooman ducfi ama taagdarni, sidaasoo kale waxaa banaan in qofku dhiig iska qaado si uu isku baadho, labadan masalo waxa looga qiyaas qaatay Toobinka.
7-Luqluqada iyo sandaarsiga.
Labadan arrimood qofka soomani wuu samayn karaa waanay u banaan tahay laakiin sandaarsiga ku fogaan maayo si aanay biyihii ugu gudbin dhuunta hoose. Hadiise biyihii gudbaan waxba ma yeelayso soontiisa oo si aan badheedh ahayn ay ugu gudbaan dhuunta hoose.
8- waxyaabo kale oo aan soonta waxba yeelayn.
Waxa ka mid ah qofka oo qiiq badani afka ka galo ma yeelayso soontiisa wax sida meel wax lagu karinayo oo uu is dul taagay taas ugama jeedo sigaarka oo kale waayo sigaarka isagu soon iyo soon la’aan waa xaaraan sida culumada islaamku isku waafaqday.
Waxa kale oo banaan in qofka soomani ilkaha ku eego raashin uu karsanayey inuu bislaaday iyo in kale.
Waxa kale oo u banaan qofka soomani inuu ilmo yar u calaaliyo raashin shardise waxa ah inaan raashinkaasi u gubin caloosha qofka sooman,
waxa inoogu sii xigi doona Insha Allah waxyaabaha jebiya soonta.
Qalinkii :
Hussein Jama Guudcade,
Diintuwaanasteexo1@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment