
Waxaanu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo si guud mar ah uga hadlaya waxyaabaha ay Weftigaa ka wadahadleen, waxa uu yidhi; “Waannu is aragnay, waxaannu kala hadalnay oo iyaguna nooga war-bixiyeen guud ahaan arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangalinta iyo dhammaan arrimaha Somaliland khuseeya, hadday tahay Sanduuqa horumarinta Somaliland oo dawlado aan hore ugu jiri jirini ku soo biireen oo markii hore wuxuu Sanduuqu ka koobnaa Ingiriiska iyo Denmar, haddana waxaa ku soo biiray dawlado ay ka mid yihiin Holand, Jarmal-ka iyo Norway.markaa Guud ahaan Arimaha doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada,arimaha qaddiyadda Somaliland iyo warbixinaha guud ee Somaliland ayaanu ka wada hadalnay.”
Weftigan ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah, ayaa maalmahanba u kala dab-qaadayey dhinacyada hawlaha doorashooyinka ee qabyada ah masuuliyaddu ka saaran tahay oo kala ah Madaxweynaha, Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo Shirguddoonka Golaha Wakiillada, si ay isugu soo dhaweeyaan dhinacyadaas oo khilaafyo la xidhiidha Xeerka diiwaangelinta ee Wakiilladu ansixiyeen ee Guurtida loo gudbiyey oo Mudanayaasha Muxaafidku ku eedeeyeen Guddoomiye Cirro inuu qodobbo dheeraad ah ku darsaday, qaar ku jiray-na tirtiray, eedayntaas oo uu Cabdiraxmaan-Cirro-na waxba kama jiraan ku tilmaamay, kuna dooday wax Xukuumaddu ka dambayso.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Guddiga Joogtada ah ee Golaha
No comments:
Post a Comment