Saturday, November 22, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulamo Madaxtooyada kula Qaatay Shirguddoonka Labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiillada

Hargeysa:Nov,22,2014(Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland Axmed Maamed Maxamuud siilaanyo, ayaa maanta aqalka madaxtooyada kulan loogu dabaaldegayo Suulintii khilaafkii Wakiillada ka dhex jirey kula qaatay Shirguddonka labada aqalka ee Guurtida iyo wakiillada.

kuluKulankan oo ahaa mid maddaxweynuhu ku muujinayey sida uu ugu faraxsan yahay dhamaynta khilaafkaas iyo muujinta Doorka Guurtidu ka qaadatay, ayaa dhinacyadu ku qaateen wakhti kooban oo farxadeed, waxana uu farriin u ahaa sidii Bulshadu uga dagaallantay dhibkii dhawaan Golaha ka dhex dhacay.

Sidoo kale waxa kulankani lagu muujinayey in madaxweynaha somaliland iyo Guddoomiye Cirro oo dhawaan Warbaahinta Hadallo isu marinayey aanay dhexdooda dhibaato oolin oo ay danta dalka ka wada shaqaynayaan.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa intii ay xukuumadda Kulmiye Taladda Wadanka Haysay markii labaad dhexdhexaadin ku xaliya khilaaf adag oo soo kala dhex galay Golaha Wakiilada Somaliland.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment