Oodweyne, 26 Nov, 2014 (Himilo)- Hay’adda World Vision oo ka mid ah hay’adaha Caalamiga ah ee mashaariicda horumarineed iyo gar-gaarka bani’aadamka ka fulisa gudaha Somaliland, ayaa magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh ku qabtay kulan ballaadhan oo ay ku soo bandhigtay mashaariic ay ka fulisay gobolkaas iyo kuwo cusub oo qorshaysan inay qabato sannadka soo socda.

Kulan-hawleedka waxa ugu horeyn ka hadlay Madaxa hay’adda Worldvision ee Somaliland Kanchora Halake, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada kulanka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaanu halkan u joognaa inaanu idinla wadaagno, idiin soo bandhigno waxqabadka aanu fulinay saddexdii sanno ee la soo dhaafay iyo guulaha aynu kasbannay. Nooma suurta-gasheen inaanu kasbanno Guul aydaan qayb ka ahayn,” Sidaas ayuu yidhi Mr Halake.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Masuul ka socday Wasaaradda qorsheynta Qaranka, Maayarka Magaalada Oodweyne, ayaa xubnihii ka kala socday deegaamada hoos yimaadda degmada ee kulan-hawleedka ka qayb-galay u jeediyey inay deegaanadooda uga faa’ideeyaan mashaariicda hay’addu fulinayso, iyaga oo xusay inaanay suurto-gal ahayn wax-qabad bulshada la gaadhsiiyo haddii aanay jirin wada-shaqayn iyo iskaashiga ka dhexeeya dadka deegaanka iyo hay’adda.
Badhasaabka Gobolka Daad-madheedh Cali Cawil Cabdi oo gebo-gabadii kulan-hawleedka ka hadlay, ayaa hay’adda World Vision ku bogaadiyey hirgelinta mashaariicda wax-qabad ee ay bulshada u gudbiso, isaga oo ku tilmaamay hay’adda kaliya ee mashaariic hufan oo bulshada waxtar u leh ka qabata gobolka Daad-madheedh.
“Waxaanu dejinnay in wax waliba gobolka ay ka socdaan oo loo gacan-haadiyo cid kasta oo wax ka qabanaysa baahiyaha gobolka ka jira si horumar loo gaadho, hay’adda World Vision ayaan kow ka noqotay, waanay noo timi oo waanu ku faraxsannahay,” Sidaas ayuu yidhi badhasaabka gobolka Daadmadheedh.
No comments:
Post a Comment