Sunday, November 23, 2014

Go’aankii Shalay: Dhinac walba Hal baa Seegtay!

Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Adan oo hadal ka jeediyey fadhi shalay ay si wada-jir ah u yeesheen Golayaasha Baarlamaanka Somaliland oo laga soo saaray go’aamo lagu xaliyey Khilaaf laba garab u qabileyey Golaha Wakiillada, waxa uu sheegay inay labadii dhinac ee khilaafku u dhexeeyey wakhti ku filan oo ay dacwaddooda ku dhegaystaan siiyeen, labada dhinacna ku qasban yihiin qaadashada go’aamadii ay soo saareen guddiga loo xilsaaray oo soo ururiyey qodobbadii ay u arkayeen inay xal u noqonayso khilaafkii taagnaa.
Qodobbada guurtidu ku xalisay khilaafka golaha Wakiillada, dhegaysi ka dib labada dhinac ee mucaaradka iyo Muxaafadku, way aqbaleen, balse waxa xagga dambe kaga ladheen hadalkooda hadal u muuqday inaanay go’aamadu ahayd qaar loo maray waddada sharciga ah balse aqbalaaddoodu tahay mid ay u marayaan iyaga oo u tanaasulaya danta dalka iyo qaranimada.
Ugu horeyn, ma odhan karno mahadsanidiin, maxaa yeelay waxay guteen shaqo ay xilkeeda qaadeen oo laga sugayey inay ka soo saaraan xal lagu furdaamiyo, dhinacyadii kalsoonida siiyey, haba ku cuslaadeen aqbalaadooduye, ilayn horaa loo yidhi GARRI laba nin kama wada qosliso, balse waxaynu odhan karnaa Gudoomiye Saleebaan-nuur mid baa dhaaftoo, waxaa dhaafay, xeerkii muranka dhaliyey, hadaanu hore u soo celin, oo sida xilliganba isu saareen Guurtidu xilkiisa sixitaanka ay u sixi lahaayeen Golaha Guurtidu wixii dhacayba ma dhacdeen, inkastoo qaddarka Alle qornaa. Markaa waxaan odhan karnaa hal baa hore u seegtay!
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro oo madashii shalay ka hadlay markii golaha Guurtidu soo bandhigay qodobadii dhexdhexaadinta khilaafkii u dhexeeyey wakiillada, waxa uu sheegay in arrinka shalay ee dhexdhexaadinta golaha guurtida inuu ka taagan yahay “halkii Faarax Suusle uu iska taagay ee ahayd inuu sameeyey waxaan Soomaali hore u samayn oo ah inaan danta Somaliland kabaha ugu qaado ilkaha, anigoo aan ka garnaqsan wixii igu dawahaa iyo waxaan igu daw ahayn, anigoon ka garnaqsan wixii sharci ah iyo waxaan sharci ahayn, maadaama aan kalsooni buuxda siinay guddiga Xeer-beegtida guurtida, waxaan danta guud awgeed u aqbalayaa go’aanka guurtida.”
Waxaan isagana gudoomiyaha Gollaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro odhan karnaa hal baa seegtay oo waxa seegay maadaama xeerka khilaafka keenay masuuliyaddiisa koowaad horeyso xumaan iyo samaan isagu lahaa, inuu adkaysigeeda lahaado markii hore oo haddii saaxiibadiisa Gollahu (xildhibaanadii muxaafadku) ogaadeen, markiiba qirto oo raaligelin ka bixiyo, haddii ay hore u seegtay raaligelintaasina, shalay mar kale qirto ilayn go’aamada dhexdhexaadintaba waa lagu sheegay inuu khaladka yeeshaye, balse ma ahayn inuu yidhaahdo ‘Wixii igu gef ah iyo waxaan igu ahayn, ama waxii sharci ah iyo waxaan ahayn, ilayn waxuu ku sifoobayaa “Go’aan dhacayna waa fule ninkii gaar u faashadaye.”
Gudoomiye-xigeenka koowaad ee Golaha wakiiladda Baashe Maxamed Faarax oo isaguna ka hadlay ku dhawaaqidii go’aamada guurtida ka dib, ayaa sheegay inay wax walba ka horaysiinayaan danta qaranka, maadaama wax walba ay ka weyn tahay, “Gar kastoo la naqo waa maslax ee guurtidu sharcigii may marin, laakiin si kasta oo ay tahay sidaa ayaan ku aqbalnay.”
Gudoomiye-xigeen Baashe hal baa seegtay, oo waxa seegay mar haddii gar ay lahaayeen u dhiibteen guddi dhexdhexaadineed, kalsoonina siiyeen inay aqbali doonaan go’aan kasta oo ay soo jeediyaan, ma banaanayn inuu yidhaahdo Guurtidu sharcigii may marin, ilayn haddii kale wuxuu ku sifoobayaa sidii saaxiibkiisii Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ku sifoobay ee ahaa ‘Go’aan dhacayna waa fule ninkii gaar u faashadaye’.
Annigase (shacabkii) mid ima seegin iyadoo ahayd sifahii halhayskani u dhacayey, waxa laysku haystaa waa dantiina u yeesha dareen furan, oo dhaliil kasta oo soo baxda noqda kuwo godobteeda u meeleeya halkay taalo, laakiin aan ku dhexmilmin dhinacyada isku riixriixaya, maadama annigu aan u arko qolo doon wada saaran oo tiigsanaya inay badweyn ku tamashleeyaan, balse diyaar u ahayn inay xeeliga soo joojiyaan iyo madal lagu gaadho doorashooyin sifo xor iyo xalaal ah u dhacda, ilayn ma jirto kalsooni ugu laaban dadweynahii doraad soo doortay iyo abaal ay gashadeen dhamaantood, in kooban marka laga soo reebo, tusaalena waxa inoogu filan hadal laga hayo xildhibaan ka tirsan golaha wakiiladda oo la weydiiyey, “Mudane miyeydaan doorasho u diyaar ahayn, maxaad xeerarkii laydinku soo dooran lahaa u diyaarin weydeen?” Eek u jawaabay, “Maxaan doorashada ku falayaa, ilayn reerkayaga qof I dooranaya kuma jiree.”
Waxaan haatan leeyahay shacabkoow, hal baa idin seegtee, ahaada kuwo u soo jeeda la socodka danahooda masiiriga iyo la xisaabtanka dadka ay u wakiisheen ee gollaha Wakiiladda iyo Guurtidu ugu horeeyaan ilayn midna sidii loo doortay weligood doorasho dambe ma gelin, kuwa kalena intii la doortay inle’eg ayey xilligan kuraasida ku fadhiyaane, inay ka kacaana ifafaalahoodu uma muuqdo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment