Tuesday, November 25, 2014

Madaxweyne Obama Oo Dalbaday In La Joojiyo Dibad-baxyada Ka Socda Magaalada Ferguson

Ferguson:Nov,25,2014(Himilo)-Madaxweynaha Dalka Maryaykanka Barack Obama, ayaa Dalbaday sidii loo joojin lahaa Rabshadaha ka socda Magaalada Ferguson, kuwaas oo ka dhashay Dilka Wiil dhallinyaro ahaa oo madow ahaa, kaas oo uu toogtay Askari ka tirsan Ciidamada Ammaanku.

ferWar kooban oo laga soo saaray xafiiska Madaxweyne Obama ayaa waxaa loogu baaqay dadka Ferguson degen inay deganaan muujiyaan oo ay joojiyaan rabshada ay wadaan taasoo dhabaha u xaadhaysa in xal laga gaadho arrinta ay ka cabanayaan ee cadaalad darradda ah.

Rabashadihii ugu xooganaa ayaa tan iyo xalay ka dhacaya magaalada Ferguson waxaana ay dadka magaaladaan ka cabanayaan cadaal darro ay ka tabanayaan dhanka garsoorka kadib markii inuu dambi la’aan yahay lagu sheegay sargaal cadaan ahaa oo toogasho ku dilay wiil dhawr iyo taban jir madow ahaa magaaladaan ku toogtay bilowgii bishii August ee sanadkaan.

Rabshadaha ayaa sii xoogaysanaya, waxana Magaalada Haatan ka socda Bililiqo iyo dab la qabadsiinayo Goobo gaar ah iyo Gaadiid, iyadoo ciidamada Ammaanka iyo dadkuna si weyn iskugu dhacsan yihiin.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment